crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Heshiiska Turkiga iyo Israel, muxuu uga dhigan yahay gobalka Bariga Dhexe?! | HimiloNetwork

Heshiiska Turkiga iyo Israel, muxuu uga dhigan yahay gobalka Bariga Dhexe?!

Muqdisho (Himilonews) – Mid ahmiyad weyn laheyd ayaa lagu gaaray xaslinta heshiiska wada-hadal ee ay gaareen Turkiga iyo Israel, ku xigeenka wasiirka koobaad Numan Kurtulmus ayaa ka dhawaajiyay, kadib markii saraakiishu tilmaameen in heshiiska loo gaaray in lagu idleeyo xanaf ka timid dhacdadii 2010.
Gudaha shir warfidiyeenka loogu qabtay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay heshiis lagu xasilinayo xiriirka siyaasi iyo diblomaasiyadeed ee Israel la leedahay dalka Turkiga kadib markii uu mugdi galay taniyo natiijadii ka dhalatay weerarkii Israel ku qaaday kolonyadii gargaarka ee Turkigu usoo diray Gaza ee dhulka Filastiin bishii May sanadkii 2010.
Si walbaba, Netanyahu wuxuu sheegay in cunaqabadka Israel kusoo rogtay Gaza uu ku hari doono mid xakame adag xittaa heshiiskan – isaga oo u tilmaamay kooxaha gargaarka inay deeqdooda Gaza ku socta usoo marsiiyaan dekadaha Israel.
Heshiiskan ayaa ahaa hoobaan muddo loo madlanaa biseylkeeda oo ka dhashay xiriir diblomaasiyadeed hoose oo ay wada yeesheen saraakiisha labada dal ee Israel iyo Turkiga taniyo sanadkii hore.
U eegista heshiiskan, laba weydiimood ayaa sara-taagan: Sabab hadda? Iyo in intee la’eg ayuu joogto noqon doonaa?
Ruug-cadaaga diblomaasiga ah, Ozdem Sanberk, kaas oo Turkiga u qaabilsanaa baaritaanka kolonyadii gargaar ee Mavi Marmara ee degtay, ayaa sheegay in heshiisku uu u egyahay inuu asteeyo bilowga dhamaad ee gooni-socodnimada Turkiga ee gobalka Bariga Dhexe.
Wuxuu tilmaamay in isku dhawaanshiyaha Turkiga-iyo-Israel ay xasilooni ku yeelan karto gobalka – iridna u noqon karto heshiisyo kale oo lagu kala dhoofsanayo gaaska dabiiciga ah iyada oo la marsiinayo dhuumaha Turkiga.
“Turkigu wuxuu rabaa inuu idleeyo diblomaasiyadiisa xabisan taas oo si cad u waxyeeleysa danahiisa,” ayuu Sanberk u sheegay al-Carabiya English.
“Israel-na waxay garwaaqsan tahay inaysan Turkiga la’aantiis tallaab horumar fiican leh ka sameyn Karin ilaheeda gaaska dabiiciga ah,” ayuu sii raaciyay.
Tallaabooyin

turkiga-1

Tallaabooyinka horay loo qaaday ee ku jira heshiiska waa in danjirayaashu ay isla gorfeeyaan dardar-gelinta xiriirka diblomaasi ee labada dal.
Halka fiiro yididiiladeed laga tilmaamay taas, labada dal ayaa sidoo kale meesha ka saari doona isku maandhaafka heshiisyada caalamiga ah sida iskaashiga dhinaca militariga.
Si kastaba, in cunaqabateynta laga qaado Gaza iyo koru-qaadista xaaladaha nololeed ee ka jira halkaas ayaa u muuqda qodobka aad wali la iskugu maan-dhaafsiisan yahay ee kamid ah heshiiska.
Israel ayaa sida la tilmaamay waxay Ankara siin doontaa ileys cagaaran oo u oggolaanaya inay isbitaal ka dhisto Gaza kaas oo aan Turkiga ka joojineyn inuu sahay caafimaad – cunaqabad la’aan – gaarsiin karo Gaza.
Dhamaan gargaarrrada ka imaan doona Turkiga waxay ku imaan doonaa Gaza dhinaca dekadda Ashdod ee Israel.
Sidoo kale, dhismaha xoog koronto iyo mid biyood oo ay iska kaashanayaan dalalka Turkiga iyo Jarmalka ayaa noqon doona mid iyadana laga oggolaado halkaas.
Waxaase jira warar is-diidan oo mugdi galinaya xafiiska Xamaas ee ay ku leedahay Turkiga. Halka kuwo leeyihiin arrintan kuma jirto heshiiska – kuwo kale ayaa qaba in xafiisku u furnaan doono ujeeddooyin diblomaasiyadeed.
Dheef
Isaga oo hadlayay kadib heshiiska lagu gaaray Rome, xog-hayaha arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry, Netanyahu wuxuu sheegay in heshiiska ay wada gaareen Turkiga iyo Israel ay tahay tallaab muhiim ah.
“Waxay sidoo kale dheef u tahay kobaca dhaqaaq ee dhaqaalaha Israel; waxaana ereygaas aan u adeegsanayaa si dardaaran-werin ah,” ayuu Netanyahu yiri isaga oo la taagan Kerry.
Selin Nasi, oo ah faaqide madax-bannaan oo arrimaha Turkiga iyo Israel ka faallooda ayaa rumeysan in xasilinta heshiiskan uu Ankara u oggolaan doono inay dib ugu soo laabato doorka dhexdhexaadineed ee ay ku laheyd Israel iyo Falastiin.
Nasi ayaa sidoo kale xusay in xiriirkan jaalenimo uu Turkiga u noqon doono wadiiqo u sahasha in xiriirka uu la leeyahay Washington uu wacnaado – isaga oo u maraya Israel.
Tallaabooyinka lagu idleynayo diblomaasiyadda lixda sano mugdiga ku jirta, waxay biladaye fiican ka tahay siyaasadda dibadda ee ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim kaas oo balan-qaaday inuu sara-u-qaado saaxiibada Turkigu ku leeyahay gobalka marka uu xilka ku fadhiisto.
Tani waxaa la filayaa inay soo afmeerto gooni-daaqsiga Turkigu ka ahaa gobalka intiisa kale.
Si kastaba, si loo sugo heshiiska, hal-sahmiyaashu waxay hoosta ka xariiqeen helidda taageero ka timaada bulshooyinka labada dal.
“Waxaa jirta kalsooni darro qoto dheer oo Israel ka muujinayso Turkiga – xoojinta iskaashiga heerarka dhaqaale, siyaasad iyo militariba waxay u baahan tahay dib-u-dhiska kalsooni daadahan oo labada dal dhex-marta,” ayuu yiri Nasi.
“Dhanka Turkiga, inay hoos u eegto bulshadeeda kalana dagaalanto naceyb Yuhuudeedka iyo Sahyuuniyadda ka jirta waxay marag ka noqon doontaa sida xeesha dheer ee ay uga go’an tahay taaba-galinta heshiiska.” __________________________________________________________
Qore: Zakariya Xasan Maxamed – ah saxafi iyo qoraa Soomaaliyeed kaas oo lixdii sano ee ugu danbeysay ka faalooneyay arrimaha deegaanka, bulshada, Islaamka iyo siyaasadda. Waa qoraha buugaagta Duur-Joogteenna iyo Dhanbaalkaada.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com; hiraal114@yahoo.co.uk.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!