Sinnaantii Dhagta Dhiiga loo daray – Simiddii Ragga iyo Dumarka ee uu Dhiigu ku daatay.
Posted by: Zakariya
in Faallooyinka
January 28, 2017
765 Views
Muqdisho (Himilonews) – Marka aad tahay qof Muslim ah misna kasoo jeeda dal 100% Muslim ah oo ay kuu dheer tahay kusoo barbaaridda diinta Islaamka, waa macquul inay kuugu adkaato aqrinta iyo dhagaysiga taariikh meel looga dhacay diinteenna xaniifka ah haddana laguu raacsiinayo waa sababti ka dambaysay geeridii Maandeeq iyo Muqdisho.
Sanadkii 1975, QM ama United Nations-ka ayaa soo saaray baaq ay ku magacawday: International Woman’s Year – Sanadka Caalamiga ee Haweenka Adduunka.
Hayeeshe sanadkaas Soomaliya uma uusan ahayn sanad wanaagsan waxaana si indho la’aan ah loo soo dheegtay xeerar ka dhan ah Diinta Islaamka iyo waliba dhaqanka qaaliga ah ee Somaalida sida qodob sheegayay in wiilka iyo gabadhu ay u siman yihiin dhaxalka.
Seddex qodob oo caadiyan marka afka laga sheego aad u qurux badan ayaa la soo saaray:
-
Sinnaan ‘Equality’
-
Horumarin ‘Development’
-
Nabad ‘Peace’
Guddi ayaa la magacaabay oo la oran jiray Internnational Preparatory Committee – guddiga diyaar-garaynaya sanadkii 1975-kii kaas oo ay Soomaaliya qeyb kanoqotay waxaana gacanta haysay Soomaalida, Valentina Tereshkova oo markaas qeyb weyn ka aheyd guddiyadi waday howshaas.
Sida ay sheegtay Drs. Maryan Xaaji Cilmi oo waqtigaas ahayd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed, dalka ayaa lagu qabtay Regional Preparatory Committee; Dhinaca kalena waxaa socday sharci la yiraahdo Axwaalu-Shakhsiyah ama sharciga qoyska oo muddo badanba ku dhex meer-meereysanayay dawladaha Carbeed ee Muslimka ah, use janjeera Hanti-wadaagga.
Waxaa kamid ahayd Suuriya, Ciraaq iyo Cadan. Marka waxaa la yiri Axwaalu Shakhsiyah ama – statuto personale – ama sharciga qoyska, afar qodob ayuu ka koobnaa: qodobka sooshiyaalka ah ee xadidaad la xadidayo ragga iyo guurarka iyo cadaalad-darrada dumarka ku dhacayso, waxyaalahaan maanta la wado ee la yiraahdo qoondada adduunka iyo qoyska sinnaantiisa.
Qodobka afaraad wuxuu ahaa qodob aad xasaasi u ah oo wuxuu ahaa dhaxalka. Qodobkaas dhaxalka inay gabadha iyo wiilku u siman yihiin iyo wixii xuquuq ah ee bulshada ka tirsan.
Qodobkaan 4aad dowladihii Islaamka ee Carabta way ka aamuseen hayeeshee Soomaaliya oo la heysatay ilbaxnimadii Midawgii Soofiyati ayay sidiisa qodobkaan u qaadatay.
Hayeshee laab-lakicii iyo kafiirsi la’aantii maalintaas ee madaxdii dalka, dadka qaar ayaa ku micneeya inay sababsatay wixii dalka ku dhacay ayaga oo waa qalad Alle laga galay –istaaqfaarna u baahan.
Xuska Maalinta Haweenka Soomaaliyeed waxaa lagu beegay 11 bisha Jannaayo: dumar aad u fara badan ayaa iskugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee Koonis ‘Banaadir Stadium’ ee magaalda Muqdisho oo ay ka dhacaysay xafladda.
Maxadweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya, General Maxamed Siyaad Barre ayaa khudbad ka jeediyey garoonka ciyaaraha 11/1/1975 oo ku aadaneyd munaasabadda ciida Haweenka Adduunka, waxaana uu halkaas ka sheegay in Golaha Sare ee Kacaanka uu go’aansaday Sinnaanshaha Raga iyo Dumarka dhan kasta xittaa midka ku saleysan xaga dhaxalka. Wuxuu yiri; “Laga bilaabo maanta iyo wixii ka danbeeya gabadhu waxay ka qeyb qaadan doontaa dhaxalka aabeheed, taas waxay la mid tahay in wiilka iyo gabdhaba ay isku dhaxal yihiin oo si isla eg ay u qeybsanayaan dhaxalka waalidkooda”.
Khudbadiisa wuxuu ku caddeeyey in aaney jirin wax la yiraahdo Nus, Rubuc, Thulus iwm oo xagga dhaxalka ku saabsan.
Khudbadaas waxaa si weyn uga soo horjeestay culamadii Soomaaliyeed oo gaashaanka u daruuray inaan lagu sameeyn diinta wax bedelaad ah, maxaa yeelay waxay u arkeen khudbadii madaxwayne Maxa’ed Siyaad in lagu bedelay aayad kamid ah aayadaha Qur’aanka Munasalka ah, isla markaan culumada ay ka dalbadeen dowladda iyo madaxweynahaba in arintaas laga noqdo.
Qaanuunkaas oo ah mid kasoo horjeeda caqiidada Islaamka, taas oo keeni karta dhibaato adduunyo iyo mid aakhiro. Intaas kadib dowladdu waxay ku adkeysatay go’aankeedii ahaa sindaanta raga iyo dumarka.
17-kii January 1975-kii ayaa salaaddii Jimcaha ee lagu tukanayey masjidyada ku yaalla magaalda Muqdisho waxay culimadu kaga soo horjeesteen arrintaan iyada oo dowladdu ay fal-celin ka samaysay qudbadii culumada xirxirtayna kuwii ka soo horjeestay.
Culimada ayaa loo gudbiyay maxakamadda. Markii ay maxkamaddu dhageysatay eedeynta uu xeer ilaaliyaheedu soo jeediyey ayaa guddoomiyihii uu ku dhawaaqay in kadib markii ay maqleen eedaynta xeer ilaaliyaha soo jeediyey iyo markhaati furka ay sameeyeen ciidamadii soo qabqabtay culimada oo ku dhex sugnaa Masjidyada ay Maxkamaddu ku soo showreyso qol gaar ah.
Wax yar kadib markii ay kusoo laabteen hoolkii Maxkamadda, ayuu guddoomiyaha oo taagan ku dhawaaqay in maxkamaddu dil toogasho ah ku xukuntay lix kamid ah culimadaas, tiro kalena lagu xukumay xabsi 30-sanadood oo xarig ah.
Culimaa’uddiin iyo wax-garad kale oo askartu kasoo kala qabteen goobo kala duwan ayey mar kale maxkamaddu xukuntay 19-kii January 1975-kii, wuxuuna guddoomiyihii dil toogasho ah ku xukumay afar wadaad iyada oo tiro kalena lagu xukuumay 20-sano oo xarig ah.
Madax badan oo ka tirsan caalamka ayaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre ka codsaday inuu ka noqdo xukunka dilka ah ee lagu riday wadaaddadas. Hey’ado badan oo caalami ah una dooda xuquuqda Insaanka ayaa iyaguna cambaareeyey xukunkaas degdegga ah.
Taariikhdu markay ahayd 26-kii January 1975-kii, ayaa la dilay 10-kii wadaad ee toogashada lagu xukumay. Waxaana subaxnimadii isla taariikhdaas lagu toogtay kasoo horjeedka Dugsiga Tababarka Booliska ee magaalada Muqdisho.
Magacyadii Culimadii la toogtay:
-
Sheekh Axmed Sheekh Maxamed.
-
Cali Jaamac Xirsi.
-
Sheekh Muuse Yuusuf.
-
Aadan Cali Xirsi.
-
Suleymaan Jaamac Maxamed.
-
Sheekh Axmed Iimaan.
-
Yaasiin Cilmi Cawil.
-
Cali Xasan Warsame.
-
Sheekh Maxamed Siyaad Xirsi.
-
Xasan Ciise Jilibey.
Subaxaas wixii ka dambeeyay dadka xasuusta u saaxiibka ah ee waqtigaas goob jooga ahaa ayaa ku dooda in Soomaaliya ay ku bilaabatay dhibaatada illaa iyo maanta ay la daalaa dhacayso.
Isla maalintaasna waxaa dhacay shil isna aan hilmaamid lahayn waxaana isku dhacay labo diyaarad oo milatariga XDS ay lahaayeen kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah oo ay kusoo dul dhaceen diyaaraduhu.
1977kii Soomaaliya waxay dagaal lagashay dowladda Ethopia dagaal kaas oo aysan ka gaarin hadafkii ay u qaaday in kasta oo bilowgii dagaalka ay geesiyaashu soo hooyeen guulo wax ku ool ah, waxana garbo badan oo ay Ethopia heshay Soomaalida ku qasbay inay dib uga soo baxaan dagaalka.
Isla sanadkaas dowladdu waxay dhumisay xiriirkii wanaagsanaa ee kala dhexeeyay Midawgii Suufiyati iyada oo sidaas oo kale ay ka baxday ururkii Jaamacadda Carabta.
13kii Novemper 1977-kii kulan ay yeesheen golihii dhexe ee Xisbiga Hanti-wadaagga ayaa xiriirka loogu jaray Midawgii Suufiyeeti.
Dabayaaqadii 1978-kii, Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa aas’aasay mucaaradkii ugu horreeyay taariikhda Soomaaliya, waxayna aheyd Jabhaddii SSF taas oo bishii October 1981-kii isku bedeshey SSDF.
Sidaas oo kale, Jabhadihii SNM ayaa la aas’aasay 1981; USC 1989; iyo SPM 1989 ayaa dhamaantood u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumaddii Siyaad Barre.
April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumaddii Jaalle Siyaad Barre.
January 27, 1991kii, Maxamed Siyaad Barre ayaa ka baxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana la wareegay jabhadihii.
1991kii, awoodihii Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa isu rogey dagaal kaas oo ay Kumanyaal shacab ahi ku dhinteen.
Dec 3, 1992-kii Golaha Ammaanka ee QM ayaa go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad ilaalin ah oo uu Maraykanku hoggaaminayo.
Dec 9, 1992-kii ciidamada badda ee Maraykanka ayaa caga-dhigtay xeebta caasimadda Soomaaliya, iyaga oo watay magacii ahaa “Hawlgalkii Rajo Soo Celinta waxaana lasoo horumariyay 25000 oo askari.
Maalmo kadib waxaa Soomaaliya soo gaaray madaxwaynihii Maraykanka, George W. Bush kaas oo qiimaynayay xaaladda ciidamadiisi joogay dalka.
June 5, 1993 ciidamadii Maxamed Faarax Caydiid ayaa dilay 24 kamid ah askartii QM ee nabad ilaalinta u joogay Soomaaliya.
Diyaaradihii dagaalka ee Maraykanka waxa ay weerareen meelo badan oo ay is lahaayeen wuu ku dhuumaalaysnayaa Janaraal Caydiid: hayeeshee kuma aysan guulaysan waxayna kala kulmeen caqabad wayn sidii ay u soo qaban lahaayeen oo hadafkooda ugu wayn ahaa kaas oo ay ilaa iyo hadda ku doodaan inuu u sabab ahaa geerida askartooda ku naf waayay Muqdisho.
Wixii markaas ka dambeeyay xaaladdu waxay aheyd jaantaa rogan wuxuuna dalku u gacan galay hoggaamiye kooxeedyo iyo ururro kala duwan.
Gunaanad-ka Qormada fikriyan Marka aad fiiriso dhamaan sheekooyinka aan kor kusoo xusnay wad aamini kartaa in dhibaatada Soomaaliya ay ka soo bilaabatay Simiddii Ragga Iyo Dumarka Ee Uu Dhiigu Ku Daatay.
Aragtida ku jirta maqaalkan waxay gaar ku tahay qoraheeda Abdi Aziz Adan Urur.
Cabdicaziiz149@gmail.com.
Related
2017-01-28
You must log in to post a comment.