crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sahan: Sababta ay haweenku u doorbidaan shaqooyinka gaarka ah | HimiloNetwork

Sahan: Sababta ay haweenku u doorbidaan shaqooyinka gaarka ah

Muqdisho (Himilonews) – Qof walba waa uu jecelyahay in uu sameysto shaqo u gaar ah oo uu u madax banaan yahay, rag iyo dumarba, laakiin waa lagu kala badan yahay sida qubaro ay tilmaameen.
Haweenka ayay qubaradu sheegeen in ay aad u xiiseeyaan kana fikiraan mar walba sidii shaqo ama mashruucyo u gaar ah oo ay kaga madax banaan yihiin ragooda ay u sameysan lahaayeen.
Qubaradu waxa ay aaminsan yihiin in haweenka ay u nugul yihin isbadalo iyo kala godoon dhinaca shaqada ay hayaan ah, taasi oo ku kalifaysa in ay yeesheen shaqo kale oo u gaar ah.
“ Waan jeclahay in aan yeesho wax walba oo nolosheyda ku saabsan,” sidaasi waxaa tiri Faiskoce oo ah haweeney ka shaqeysa qeybta horumarinta iyo suuq-geynta ee hay’adda Austin ee filimaanta sameysa.
Sababta ugu weyn ee haweenka ay u raadiyaan shaqooyin ama mashruucyo u gaar ah waa kaliya in ay kordhiyaan daqligooda islamarkaana ay u madax banaanaadan.
Galan oo ah madaxii hore oo ee hay’adda Telmondo oo ka shaqeysa horumarinta xirfadaha ayaa sheegaysa inay haweenka ay u bandhigan yihiin isbadallo mar walba ku imaan kara shaqadooda sidaa darteedna loo baahan yahay in ay helaan shaqo u gaar ah oo waliba ka madax banaan raga qaba.
Waxa ay intaa ku dartay haweenaydaasi in marka shaqada la joogo waliba mushaarka ragu ay ka sarreeyaan mar walba dumarka, taas oo ay sheegtay in ay noqon karto sabab kale oo haweenku ay u baadi goobaan shaqo u gaar ah leh damaanad amni.
“Xittaa haweenku maka qabtaan shaqooyinka jagooyin sarsare,” Galan ayaa sidaasi tiri.
Loren Stiler, oo ah madaxa machadka Ricklen ee hoggaaminta istaraatiijiga ah ayaa tilmaamaysa in haweenka da’da ah ay waayaan inta badan shaqooyinkooda ama ay la kulmaan culeyso marka ay shaqo raadinayaan.
Daraasad uu sameeyay machadka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in haweenku ay ku dulman yihiin dhinac walba shaqooyinka sida mushaarka, fasaxyadda iyo da’da.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Mahad Mohamed Ali.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!