crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sahan lagu ogaaday da’da tareennada laga adeegsado UK | HimiloNetwork
The GNER train known as the White Rose, that runs between London and York, the carriages are surplus Eurostar trains

Sahan lagu ogaaday da’da tareennada laga adeegsado UK

London (Himilonews) – Tareenada laga isticmaalo dalka Britain ayaa celcelis ahaan jira da’da 21 sano, baaritaan ay sameysay Press Association ayaa sidaas tiri.
Waxay muujisay in da’da tareenada Britain laga isticmaalo ay ku jiraan da’dii ugu weyneyd 15 snadood gudahood. Caledenian Sleeper ayaa ah midka gu cimri dheer oo jira 41 sano.
TransPennine Express trains oo ka howlgala waqooyiga England iyo Scotland ayaa ah kuwa ugu cusub oo jira da’da 9 sanadood – taas oo ah inay 9 sano laga joogo taniyo intay shaqo bilaabeen.
Urur u dooda badqabka socdaalka ayaa tayada tareenada la isticmaalo galiyay shaki hayeeshe dowladda ayaa qabta inay is-badal ku sameyneyso adeegyadooda oo kaliya ah.
Xafiiska ORR oo loosoo gaabiyo Office Raod and ayaa sheegayin tareenada da’da ahi inaysan rakaabka ku dareemi Karin safar raaxo leh iyo iyaga oo aan lahayn kartida ay ku fududeyn karaan baahida socdaalka degdegga ah.
Tareenada London iyo koofur bari England ayaa jira 19 sanadood halka kuwo adeeg goboleedyadana ay jiraan 24 sano.
Agaasimaha kooxda Think-Tank ee IPRR ayaa yiri waa waa xaq darro qaran oo aan lagu arkin Germalka, Faransiiska ama Japan ee laga heli karo Britain.
“Waa layaab yar in Britain, sida dalalka horumaray aysan xilka waafi ah iska saarin casriyaynta degdegga ah ee la xirrira socdaallada tareennada,” ayuu yiri Mr Cox.
Cox ayaa sheegay meelaha ka baxsan London in lasiiyo awood ay ku urursadaan lacago ay ku maal-gashadaan socdaalka iyo dib in loogu gacan-geliyo go’aanadda ay wax kaga badali karaan maal-gelintooda.
Kooxda Rail Delivery Group oo matasha shirkadaha tareenada ayaa tilmaantay inay fileyso da’da celcelis ee tareenada Britain inay hoos u dhacdo 16 sano marka lagaaro 2019.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!