crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ninka booliska uga dacwooday nin kale oo aan falaashin musqul uu kasoo baxay! | HimiloNetwork

Ninka booliska uga dacwooday nin kale oo aan falaashin musqul uu kasoo baxay!

Toronto (Himilonews) – Laan boolis ayaa aad ula shaamareertay yeermada cabasho kaga timid nin kaas oo macmiil maqaaxi uu ku jiray kaga sheeganaya diidistiisa ku aadan biya-raacinta musqusha uu kasoo baxay, marka loo eeg booliska Kanada.
Booliska Toronto ayaa sheegay in falkani soo shaacbaxay habeenkii Arbacada.
Marka loo eego baaritaanka booliska, ninka oo aan la heyb-sheegin ayaa wax ka cunayay maqaaxida markii macmiil kale uu galay musqusha.
Markii uu soo baxay, ninka ayaa fahmay in musqusha uusan soo falaashin ama uusan biyo raacin saxaradii uu dhigay. Ninka ayaa weydiistay macmiilka kasoo baxay suuliga inuu biyo raaciyo ama falaasho musqusha. Hayeeshe waa lagu gacan-seyray.
Tanina waa markii uu wacay booliska si uu u war-geliyo dhacdada. Booliska ayaana u sheegay in kaliya loo heli karo arrimaha iyo kiisaska degdegga ah – mar kalana uusan soo wicin.
Booliska Toronto ayaa bartooda Twitter-ka kusoo qoray: “Sida dhabta ah, ka jawaabidda wicitaanka dadweynaha, wuxuu sal u yahay samata-bixinta iyo kaalmaynta kuwa baahida rumaad nooga baahan.”
“Nin ayaa soo wacay booliska isaga oo ka sheeganaya nin kale oo maqaaxi kula sugan kaas oo diiday inuu falaasho musqusha uu kasoo baxay. In kasta oo ay tahay mid aan suubanayn, wicitaankani wuxuu mudan yahay in laga warceliyo.”
Qoraalka Twitter-ka ay dhigeen ayaana ku baahay baraha kale ee bulshada.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!