“Waxaa kale oo markii hore aan ka cabsi qabay inaan la qabsan waayo tacliinta laakiin in yar kadib waxaan ogaaday inay fududahay, hadana waxaan ku jiraa la qabsigeeda ugu toolmoon,” ayuu sii raaciyay Axmed.
Dugsiga Indhoolayaasha al-Nuur oo ay labaduba dhigtaan waa mid kamid ah tiro dusgiyo ah oo wax lagu baro dadka aragga la’. Taniyo markii la aas’aasay sanadkii 2005, wuxuu soo saaray tiro arday ah oo uga qalin-badalatay dugsiyada sare iyo ilaa heer jaamacadeed, sida uu sheegayo maamulaha dugsiga, Ibraahim Abdullahi Maxamud.
“Sanadkii hore iyo sanad-dugsiyeedka goor dhow dhamaaday labadaba waxaa ka qalin-badalatay arday ka badan 35, wayna isasoo tarayaan,” ayuu yiri Ibraahim kaas oo xusay in hadda tirada ku jirta dusgiga ay gaarayaan 90 arday ku dhawaad.
Helidda kaalmada hey’adda Hormuud Foundation, dugsigu wuxuu leeyahay barayaal isugu jira lab iyo dhedig ka koobaan kuwa arag la’ iyo in kale oo wax arki karta. Maamule Ibraahim oo aan kamid ahayn kuwa heysta nimcada aragga, wuxuu sheegay inay wax u dhigaan sida dugsiyada kale ee magaalada Muqdisho.
“Dugsigu kama duwana kuwa kale ee caadiga ah, kaliya waxaan wax ku dhignaa hab ku salaysan xaaladda aan ku sugannahay, balse waan ka simannahay manhajka ay dhigaan,” ayuu yiri isaga oo muujiyay in shanta maalmood ee toddobaadkiiba ay ardaydu yimaadaan dusgiga ay u fududaysay inay manhajka ku idleystaan sidii loogu tala-galay.
“Waxaan jira dhawaqa aan ku kala fahamno waxa ku jira iyo sida loola fal-galayo adeegsiga aaladaha sida moobilka iyo kumbuyuutarka,” ayuu yiri. Abdirizack. “Ilama ahan inaan fahmi karin qaab kasta oo midka aragga leh uu u adeegsado aaladaha. Baraha bulshadana waxaan ula xiriiraa sida caadiga ah ee qof kale.”
Hadda oo ay aaminsan yihiin inay go’aamin karaan nuuca mustaqbal oo ay jeclaan lahaayeen inay kusoo baxaan, dhamaantood waxay la nool yihiin hammi qurux badan. Balse hankoodu mawada sinna.
“Aniga waxaan jeclahay inaan noqdo bare ardayda bara luqadaha sida Ingriiska,” ayuu yiri Abdirizack.
Axmed yoolkiisu waa inuu noqdo siyaasi dalkiisa gaarsiin kara hannaan hufan oo ku daaban maamul-wanaag.
“Aniga waxaan jeclahay inaan barto culuumta siyaasadda oo aan qeyb ka noqdo siyaasadda dalka,” ayuu yiri. “Inta badan waxaan ku xiranahay dhageysiga idaacadaha waana la socdaa marxaladaha dalku ku jiro iyo halka uu kusii jeedo.”
Hanka ku jira Axmed wuxuu ina xusuusinaya sheekada Nafees Tareen oo ah Muslimad aragga la’ oo ku nool Hindiya taas oo Qur’anka ku qortay farta indhoolayaasha si ay u caawiso walaalaheeda lamidka ah ee naawilaya inay wax ka bartaan diinta. Waxayna kaalinta ay ku jiraan caddayn u tahay inay door muuqda ku yeelan karaan is-baddalka umadeed iyo horumarka dalkooda.