LAGOS (HN) — Baadari ku nool Nigeria oo la yiraahdo Pastor Charles Osazuwa, ayaa xertiisa ugu baaqay inay dhistaan guryo ay leeyihiin, kana baxaan guryaha ay kirada ugu jiraan, madaama lihilaha guriga uu Ilaaha Masiixa ‘oo uu kala jeedo Nebi Ciise CS’ aysan isla qaadan karin magac qura.
Landlord waxaa loogu yeeraa shaqsiyaadka leh hantida maguurtada ah sida guryaha, sidaas darteed, dadka ku jira guryaha kirada lagu degan yahay waxay, sida uu yiri, yeelanayaan laba Ilaah.
Wuxuu sheegay in waanada qura oo uu siiyo dadka shaqeysta inay kow tahay inay degaan guryo ay leeyihiin kana baxaan kirada. Sidaas darteed, waxay ka xoroobayaan gacanta lihilayaasha guryaha.
Ma ahan markii ugu horreysay oo baadari ku hadlo weero ka fog waaqica nolosha iyo xiriirka aadmiga kala dhaxeeya macbuudka.
You must log in to post a comment.