crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jeegaantii gubaneysay oo lagu arkay Japan! | HimiloNetwork

Jeegaantii gubaneysay oo lagu arkay Japan!

TOKYO (HN) — Japan waxay caan ku tahay hal-abuurka iyo wax soo saarka sancada nuucyadeeda kala jaadka ah, balse waxay sidoo kale gaar u leedahay jeegaanta dhif ah oo lagu arkay heegada sare ee caasimadda Tokyo.

Wax lagu murmay inay yihiin daruur cuslaatay oo baraf ah iyo jeegaan ayaa baraha bulshada Japan aad la iskugu dhaafsaday, waxaase muuqeeda kore la fahmi karaa inay u badan tahay jeegaan balse aan ahayn qoonsa-roobaadkii la yiqiin.

Waxaa loogu yeeray ‘fire rainbow’ ama jeegaantii gubaneysay, waxaana si dhif iyo naadir ah loogu arkaa goobo cayiman, sida waqooyiga Yurub iyo dabcan Japan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!