crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslim Danyarta u furay Frinjiyeer ay Cunnooyinka kala baxaan! | HimiloNetwork

Muslim Danyarta u furay Frinjiyeer ay Cunnooyinka kala baxaan!

Muqdisho (Himilonetwork) – Muslim kasoo jeeda degmada Paisley, dalka Scotland ayaa sameeyey firinjiyeer bilaash loogu rido cuntada si loogu deeqo dadka danyarta – isaga oo naawilaya in bangiyada cunnooyinka ay ka caawin karto ilo ay ku fuliyaan doonistooda.
“Dadka bulshada kamid ah – u eegis la’aan wejiyadooda waxay awoodi karaan inay cunnada kala baxaan firinjiyeerka,” ayuu yiri Rekz Afzal. “Waxaan halhaleel ugu dhacaysaa gacmahooda wayna ka haqabeeli karaan,” ayuu sii raaciyay.
Marka loo eego qiyaas ay sameysay Trussell Trust, taas oo 51 bangiyada cunnooyinka ku leh dalka Scotland, baahida isasoo taraysa ee bangiyadani way sii xoogaysanayaan.
Intii u dhaxaysay bilihii April iyo September, 76,764 cunnooyin ah ayaa lagala baxay firinjiyeerrada, marka lala barbardhigo sanadkii hore oo ay ahayd 63,794.
Mid kamid ah dhibaatooyinka uu Rekz uu xusay waa in barnaamijyada waqtiyo cayiman ay leeyihiin taas oo ku adag danyartu inay soo tiigsadaan iyo tan kale oo ah in bangiyada cunnada ay furan yihiin saddex maalmood oo kaliya toddobaadkiiba.
Laakiin isaga ahaan wuxuu furan yahay maalin wala.
“Haddii bangiyada cunnooyinka ay furmaan xilliyo kooban, dabcan madabooli karaan baahida ay qabaan danyartu.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!