crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka Salaadda Subax kaddib Jimicsi loogu sameeyo Jamaacada. | HimiloNetwork

Masjidka Salaadda Subax kaddib Jimicsi loogu sameeyo Jamaacada.

MUQDISHO (HN) — Masjid ku yaalla gobalka Halabja ee Kurdistan ayaa xiisad jimicsi ah siinaya Jamaacada Masjidka soo xaadirta Salaadda Subax si ay maalinkooda firfircooni ugu qaataan.
“Qof ahaan, jimicsigan waxaan kaga bogsaday jajabka iyo xanuunka dhabarka iyo lafaha,” ayuu yiri Sarkawt Nuri, oo kamid ah Jamaacada.
Nuri wuxuu rajeynayaa in jimicsigani sii socdo si dad badan oo isaga lamid ah ay kaga bogsadaan xanuunnada ka dhasha jimicsi la’aanta iyo leyliga xubnaha.
“Ka-qeybgalayaasha oo dhami waxay codsanayaan in mashruucan lasii joogteeyo,” ayuu yiri.
Bixiyaha tababbarkan, Dara Mahmood, wuxuu sheegay in jimicsigani u furan yahay qof walba oo xiisaynaya.
“Jimicsigani wuxuu socdaa 45 daqiiqo kaddib Salaadda Subax, waxaana la qabtaa laba jeer toddobaadkiiba,” ayuu yiri.
“Qof walba – inta u dhaxaysa da’da 13-65 – waxaa la siinayaa tababbarkiisa gaarka ah oo la xiriira hab caafimaadkiisa,” ayuu sii raaciyay.
Sannadkii 2017, waxaan daabacnay sheekadan oo kale taas oo laga bilaabay dalka Turkiga kaddib markii dhalinyarada Jaamacad kamid ah Jaamacadaha dalkaas ay dareemeen faa’iidada jimicsigu ugu fadhiyo Jamaacada Masaajidda.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!