Shirkad – beddelkii Muusiga – Duullimaadyadeeda u daaraysa Qasiido Nabi-amaan ah!
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
January 24, 2019
955 Views
MUQDISHO (HN) — Shirkadda Duullimaadyada ee Pakistan International Airlines (PIA) ayaa go’aansatay inay rakaabkeeda kusoo dhaweyso Nashiidada Burda Sharif, oo ah mid lagu amaanayo Suubanaha NNKH – halkii lagu soo dhaweyn lahaa muusig dabacsan.
Go’aanka waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha Shirkadda, Marshal Arshad Malik.
Nashiidada waxaa si gaar ah loogu daarayaa duullimaadyada u socda magaalooyinka Jeddah iyo Madiina.
Shirkaddan ayaa aalaaba sameysa ducada safarka duullimaadyada ay dunida ku kala bixiso.
Related
2019-01-24
You must log in to post a comment.