MUQDISHO (HN) — Wax-barashadu waa xaq insaani ah; mas’uuliyad iyo sharaf naga wada dhaxaysa.
Kal-fadhiga Guud ee QM, ayaa 24 Janaayo sannad kasta u aqoonsaday Maalinta Caalamiga ah ee Wax-barashada si loogu dabaal-degga kaalinta tacliintu kaga jirto nabadda iyo horumarka.
Helid la’aanta fursado wax-barasho oo loo siman yahay, waxay xagal-daacinaysaa dadaallada dalal badan ay ugu jiraan ciribtirka saboolnimada.
Maanta, 258 milyan oo carruur iyo da’yar isugu jira ayaan dhigan dugsiyada; in ka badan 600 oo milyan waxaa ku adag inay leyliyaan xisaabta ama fahmaan; halka 40% gabdhaha ku nool dhulka saxaraha ka hooseeya aysan helin wax-barashada dugsiga sare.
Waxaa kale oo jira 4 milyan oo carruur ah oo ku nool xeryaha qaxootiga kuwaas oo aan dhigan wax dugsi ah. Waxaana ay taasi kahor imaanaysa xuquuqda aadanaha.
You must log in to post a comment.