crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Latin badan oo Islaamka qaadanaya | HimiloNetwork

Latin badan oo Islaamka qaadanaya

Muqdisho (Himilonews) – Qiyaasta ugu badan ee rasmiga ah, dadka Lations-ka ah ee ku nool Maraykanka waxaa loo tix-geliyaa inay yihiin bulshada ugu kobaca badan. Waxaa kale oo loo tix-geliyaa inay yihiin bulshada ugu badan ee Islaamka qaata. In-kasta oo xog-ururin qoto dheer aan lagu sameynin, hadana waxaa jira 150,000 oo Lations- ah inay Islaamka qaateen Maraykanka gudihiisa.
Koru-kacaan waxaa ka dabeeyey ururka Muslimiinta Maraykanka halkaas oo sanadkii 2006-da lagu qiyaasay inay ahaayeen 40,000 oo Hispanic Muslimay ah. Tani waxay ka dhiga tahay wax ka yar toban sano, tirade Lations-ka Muslimay waxay kor u kacday saddex-qaad.
Mark Gonzales oo ah gabyaa iyo farshaxan Muslim ah kuna nool California, wuxuu sheegay inay sii kordhayeen tirada Mexican-ka ee Islaamaya. “Islaamku waa diinta ugu faafista badan. Tirada soo islaameysana aad bay u sarreeyaan,” ayuu yiri Gonzales oo ah Mexican-Americam heystana hida-dhaxal Faranji-American ah kaas oo islaamay 12-sano kahor.
Badi Lations-ka islaamaya waxay ka tirsan yihiin kaniisadda Roman Catholic, marka loo eego sahan diimeed ay sameysay Pew.
Jihad Turk, oo madaxweyne ka ah Bayan Claremont, oo ah dugsi Islaami ah oo ku yaalla California, ayaa u sheegay Press-Enterprise  in Islaamku uu aad qeyb ahaan ula siman yahay Catholic-ga. Muslimiintu waxay rumeysan yihiin sheekooyin badan oo ku jira kitaabka Bible-ka sida nabiyada ayuu tilmaamay.
“Muslimiintu kaliya ma rumeysana kalinimada Eebe. Balse waxay kale oo rumeysan yihiin tobankii ballan ee Nabi Muse, dhalashadii Nebi Ciise oo hooyadiis aheyd mid dhowrsan; si lamid ah sheekadooda waxaa lagu sheegay Qur’aanka iyada oo faaf-faahsan,” ayuu yiri Jihad Turk.
Ururro laga sameeyey gudaha Maraykanka ayaa ka shaqeeya inay ku milaan muslimiinta cusub walaalahooda kale ee Islaamka.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!