Sahan: Mustaqbalka Islaamka ayaa iska leh
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
January 1, 2016
1,236 Views
Muqdisho (Himilonews) – Dhamaadka qarniga 21aad, Muslimiinta ayaa ka tira badnaan doona Kirishtaanka markii ugu horreysay taariikhda, marka loo eego warbixin ay soo saartay Xarunta Cilmi-baarista ee Pew.
“Si kale oo loo maleeyaba, Kirishtaanka ayaa wax kudhow toddobo qarni ka tira badnaa Islaamka. Ugu danbeynse, Islaamka ayaa ku yimid booska koobaad,” ayuu yiri Alan Cooperman, oo ah agaasimaha waaxda cilmi-baarista diimaha ee Pew.
Diinta Masiixiga ayaa hadda ah midda ugu badan dunida, oo ku fadhisa 2.2 balyuun oo tirada caalamka ah. Cilmi-baarista Pew ayaa muujisay in Islaamku uu yahay diinta ugu faafidda badan caalamka. Tirada Muslimiinta ayaa noqon doonta wax ku dhow 50% tirada caalamka marka lagaaro 2050-ka. Taas oo ka badan tiradii ay ahaayeen 2010—20%. Tani waxay la micno tahay in Islaamku uu wax-yar ka badnaan doono Kirishtaanka marka lagaaro sanadka 2050-ka.
Cilmi-baaristan waxaa sugaya tirada dhalin-yaro ee ku badan Muslimiinta iyo heerka wax-dhalis ee haweenka Muslimiinta oo aad u sarreeya, marka loo eego diimaha kale. Tusaale ahaan, Buudiska oo da’da lixdan jir usii guuraya, waxaa aad u yar tirada heerka dhalasho ee caruurtooda. Hinduuga ayaa si lamid ah Buudiska waxay iyaguna tira ahaan aad uga hooseeyaan heerka taranta ee diimaha kale. Waloow Kirishtaanku ay waxoogaa heerka tirada dhalasho ee labadan diimood ka yara sarreeyaan.
Alle-diidka iyo kuwa lamidka ayaa hoos u dhici doonta marka lagaaro 2050-ka. Inkasta oo Alle-diidadu ay ku badanayaan Yurub iyo Maraykanka, hadana kobaca tirada Muslimiinta ah ee Yurub iyo Maraykanka ayaa nugleyn doona.
Cooperman wuxuu si adag u qirayaa in wax badan ay iska badalayaan maanta iyo marka lagaaro sanadka 2050-ka.
“Islaamku wuxuu dunida ka noqon doonaa doorka koobaad, haddii ay sidaan wax kusii socdaan,” ayuu yiri. “Balse ma ogin waxa dhici kara mustaqbalka.”
Marka laga yimaado cilmi-baarista Pew, sahan ayaa muujiyay in tirada Muslimiinta ah ee ku nool Maraykanka ay gaari doonaan 50-malyuun sanadka 2045-ka. Tani ayaa ka dhigan in Kanada iyo dalalka ku dhagan uu sidoo kale gaari doono ileyska Islaamka.
Dalalka Jarmalka, Faransiiska, Ingiriiska, Biljamka, Holland, Spain, Portugal iyo kuwo lamid ah ayaa qaadan doona magaca Jamhuuriyad Islaami ah. Tani waxay ka dhigan tahay in tirada Muslimiinta ah ee ku nool maanta ay noqon doonaan kuwa ugu badan. Taas waa marka loo eego warbixin ay soo saartay dowladda Jarmalka.
Angela Markael oo hadleysay sanadkii hore waxay sheegtay inay usoo joogeen aragtida liic ku socda kaniisadaha iyo kobaca ku socda Masaajidda. “Dalkan wuxuu noqon doonaa shaki la’aan jamhuuriyad Islaami ah,” ayay si adag u qirtay Markeal.
Aasiyada fog ayaa iyadna leh aqbilayad soo kocbaysa oo Muslimiin ah. Waxaana ka jira dacwad ay wadaan walaalo Muslimiin ah. Singapore iyo Honk Kong oo labaduba ah dalal yar waxaa ku badanaya Muslimiinta. Singapore, tusaale ahaan, waxaa la filayaa inay noqon doonto jamhuuriyad Islaami ah marka lagaaro 2050-ka. Hadda 25% dadka reer Singapore waa Muslimiinta. Islaamkuna waa diinta ugu faafista badan.
Haddii dalalka Singapore, Honk Kong iyo Malaysia iyo Brunei oo labaduba ah dalal leh aqlabiyad badan oo Muslimiin ah ay ku tira bataan gudahooda, waxay ka dhigan tahay in dhaqaalaha Aasiyada fog uu qeyb fiican ka hoos imaan doono Muslimiinta inkasta oo Brunei ay sanado kahor qaadatay shareecada Islaamka—iyaga oo magaca Jamhuuriyad Islaami ah iskugu waqlalay.
Tusaale ahaan, Malaysia hadda waxay sameysaa gaadiidyada yar iyo kuwa waaweyn, diyaarado iyo qalab-yada kala duwan ee korontada iyo wixii la halmaala. Heerka wax-barasho ee Malaysian-kana aad buu u sarreeyaa. 65% dadka reer Malaysia waa Muslimiin.
Koofur Kuuriya, Japaan, China, Thailand iyo Burma oo—laga helo tiro Muslimiin ah oo Rohingya lagu magacaabo—ayaa iyaguna kusoo xiga malada labaad ee ifafaalaha kobac ee Muslimiinta.
Gudaha dalalkan waxaa ka jira dacwad xoogan. Waloow dalalka qaar sida Burma, China iyo Thailand ay cadaadis, gumaad iyo barakicin ku wadaan tira-yarta Muslimiinta ah ee la nool, hadana, Islaamku ayaa si dardar leh ugu fidaya dhulalkooda.
Dalka Hinduuga u badan ee Hindiya ayaa isna kusoo jira dhabaha dacwada Islaamka. Hindiya oo Muslimiinta ku nool lagu qiyaaso 20%, waa kuwo ugu dib-dhacsan bulshooyinka ay kula nool yihiin Hindiya, marka loo eego warbixin ay soo saareen Urur ka shaqeeya horumarinta Muslimiinta oo Delhi xaruntiisu tahay. Dhinacyada wax-barashada, siyaasadda, saxaafadda, caafimaadka iyo militariga, Muslimiinta Hindiya ku nool kama qaataan doorkooda kaga aadan. Hadana, in-kasta oo sidaas ay ku jiraan, dacwadda ugu badan Aasiya waxay ka jirtaa Hindiya, marka loo eego doorka fogaan-aragga Peace Tv. oo xaruntiisu tahay Hindiya.
Halka Pakistan, Bangladesh iyo Induniisiya ay leeyihiin tirada ugu badan Muslimiinta dunida. Hindiya ayaa soo galeysa booska saddexaad ee Muslimiinta ugu badan caalamka kadib Pakistan iyo Induniisiya.
Turkiga—oo kusoo baxaya dal dhaqaalihiisu uu si xowli ah u kobcayo—ayaa dib usoo nooleynaya doorkiisa kaga aadan dunida Muslimka. Taniyo markii la doortay madaxweyne Rajab Dayib Erdogan, wuxuu dib usoo dhaliyey iskaashigii ka dhaxeeyey dalalka Muslimiinta ah sida Boqortooyada Sucuudiga. Turkiga iyo Sucuudiga ayaa muddo ka badan 40-sano wada yeelan xiriir diblomaasi oo sal-adag.
Dunida Carabta oo wax ku dhow 400, 000,000 oo malyuun ay ku nool yihiin, waxaa si lamid ah kasii dhimanaya nidaamkii Cilmaaniga. Baraarugii Islaamkana wuu darandooriyay. Dacwada ka jirta awgeed, sanad kasta waxaa Islaamka qaata ajaaniib badan oo shaqo u yimaada Khaliijka.
Balse Muslimiin badan ayaa qaba in wali dacwadu aanay fari ka qodneyn marka la eego dalalka dhaca koofur Ameerika kuwaas oo badigood diinta Masiixiga aaminsan. Brazil oo ah dalka ugu badan oo ay ku nool yihiin laanta Roman Catholic-ka ee Kirishtaanka, waxaa ku nool wax ku dhaw hal milyan oo Muslimiin ah. Balse dalalka kale, sida Argentina, ilaa hadda majirto tiro sugan oo laga helay Muslimiinta ku nool.
Islaamka oo ah xalka qura ee bashariyada ayaa la filayaa inuu majaraha ku wareego 30-sano kadib waloow ay jiraan suurad-xumeyn iyo nac fog oo lagu hayo Muslimiinta. Hadana, waa Muslimiinta kuwo madmadowgaas lagu shaadiray heybadda Islaamka ka meyri kara indhaha caalamka.
Balse taasi waa arin adag sugisteeda. Inta laga helayo Muslimiin ka xorooba aragtida warbaahinada reer Galbeedka—iyaga oo sameynaya wakaalado warar oo u gaar ah sida Reuters, Muslimiintu waxay dunida ku noqon doonaan ummad qeyrkeedu ku wiirsadaan.
Isha: Himilonews.com/Islaamka.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Related
2016-01-01
You must log in to post a comment.