crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laacibka Dhawaan-Muslimaha reer BRAZIL oo ku sugan MAKKAH. | HimiloNetwork

Laacibka Dhawaan-Muslimaha reer BRAZIL oo ku sugan MAKKAH.

MAKKAH (HN) — Maalmo kahor markii uu ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka, laacibka reer Brazil, Sergio Ricardo Neves ayaa lagu arkay magaalada barakaysan ee Makkah – isaga oo gudanaya acmaasha Cumrada.


“Alxamdulillah, hadda waxaan ahay qof Muslim ah,” ayuu yiri isaga oo ku sugan magaalada barakaysan.

Joogitaankiisa waxaa la arkayay isaga oo ku labisan dharka cad ee xujeyda iyo kuwa cumraysanaya loo xiro.

Kumaankun ayaa ku amaanay tallaabadiisa iyo go’aankiisa la xiriira doorashada diinta Nabadda iyo Nolosha ee Islaamka.

22 bishii May ayuu laacibkan ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka.

Laacibka ayaa isaga fariistay ciyaaraha sannadkii 2012-ka, kahor intaanu usoo ciyaarin kooxo waaweyn oo ka dhisan Bariga Dhexe.

Laacibkan ayaa horraan usoo ciyaari jiray kooxaha Corinthians iyo Vasco de Gama oo ka dhisan dalkiisa, kaddibna wuxuu usoo wareegay dalka Turkiga si uu ugu dheelo naadiga Fenerbahce.

Sannadihii dhawaa, si kastaba, wuxuu ka ciyaari jiray dunida Carabta gaar ahaan Bariga Dhexe. Waxaana uu xilli-ciyaareedkii 2003-04 ku guuleystay laacibka ugu gool dhalinta badan horyaalka dalka Sucuudiga.



error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!