crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Aabbe Xabsi u gelaya dhanbaal ku socday wiilkiisa oo uu amar la’aantiisa furay! | HimiloNetwork

Aabbe Xabsi u gelaya dhanbaal ku socday wiilkiisa oo uu amar la’aantiisa furay!

MADRID (HN) — Aabbe ayaa lagu wadaa inuu labada sanno ee soo aadan uu xabsiga liin dhannaanta ku cabo kaddib markii uu furay dhanbaal ku socday wiilkiisa 10-jirka amar la’aantiisa, marka loo eego warbaahinta Spanish-ka.


Tallaabadan ayuu kaga gol lahaa inuu caddeymo ugu raadsado kiiska ka yaalla maxkamadda ee kala dhaxeeya afadiisa – oo ah inanka hooyadiis.

Balse maanu marnaba fileyn in tallaabadiisani ku furi doonto kiis kale oo hor leh oo maxkamadda kaga yimaada. Waxaa lagu heystaa inuu ku xad-gudbay xeerka xurriyadda shaqsiga ah ee carruurta maadaama uu amar la’aantiisa iska furtay dhanbaalkii ay usoo dirtay habaryartiisa.

Hadda wuxuu wajahayaa inuu laba sanno xabsiga ku qaato iyo inuu sidoo kale bixiyo magdhow lacageed oo la xiriirta ku-xadgudubka xurriyadda xuquuqda shaqsiga ah ee carruurta.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!