INDIA (HN) — Darbi-jiifnimadu marwalba ma ahan xaalad la xiriirta dhibaato dhaqaale – waxay inta badan noqon kartaa mid ku dhisan duruufaha adag ee nolosha. Balse inaad aragto darbi-jiif, durba waxaa kugu soo dhacaya dhaqan aan fiicneyn, mana dhacdo inta badan inaad ka filato wax ka guda-balaaran muuqaalka kaaga muuqda.
Balse xaalku sidaas ma ahan. Darbi-jiif walba wuxuu leeyahay hibadiisa gaarka, haddii la siiyo baaxad uu kusoo bandhigo. Mid darbi-jiiftaas kamid ah waxaa nin dadku ugu yeeraan Raju balse aan magaciisa dhabta ah la garaneyn kaas oo gidaaradda magaalada Kerala ee dalka Hindiya ku xardha farshaxan qurux badan oo aad loola dhaco.
Marwalba oo uu u istaago inuu gidaar qaawan uu saaro farshaxankiisa, dhammaan dadka maraya waddooyinka ayaa kusoo leexda si ay u daawadaan hibadiisa qotada dheer ee farshaxanka.
Wuxuu adeegsadaa agab sahlan sida dhuxusha , caleemaha qoyan ee geedaha iyo wixii la halmaala. Wuxuuna awooday inuu sameeyo farshaxan laga daba-dhaco.
Sideeddii sannadood ee lasoo dhaafay ayuu darbi-jiifnimadiisa kaga faa’iideystay inuu farshaxankiisa ku horumariyo. Wuxuuna taasi ku kasbaday taageero badan oo isugu jirta tu maaddi ah iyo mid shacab.
Lama oga halkii uu ka bartay iyo siduu waliba ku noqday darbi-jiif. Waxaase laga marqaati kacay mucjisada ku aasan hibada farshaxankiisa.

Haddii darbi-jiifkeenna la siiyo fursaddan mid lamid ah ama lagu kaalmeeyo inuu soo saaraan hibada ku jirta, ka waran sidee laga filan karaa mustaqbalkooda inuu isku beddelo?
You must log in to post a comment.