crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Siyaasi si la-yaab leh oohin afka furtay markuu shan cod ka helay doorashadii dhacday. | HimiloNetwork

Siyaasi si la-yaab leh oohin afka furtay markuu shan cod ka helay doorashadii dhacday.

MUQDISHO (HN) — Musharaxa madax-bannaan oo ka tartamayay gobalka Punjab ee dalka Hindiya ayaa dunida ka yaabsaday kaddib markii warbaahintu qabatay isaga oo ooyaya markii uu helay shan cod oo kaliya doorashadii dhacday – xilli sagaal qof oo reerkiisa kamid ah ay ku jireen cod-bixiyaasha.


RW Narendra Modi ayaa helay guulo taariikhi ah doorashadii dhacday taas oo ay kasoo qeyb galeen 600 oo milyan. Hayeeshe, dhacdo kal oo muhiim ah ayaa dhacday: Neetu Shutteran Wala, siyaasi aan la aqoon kaas oo Xisbi gaar ah aan ka tirsaneyn oo iskiis u madax bannaan ayaa ka tartamayay Jalandhar. Wixii ku dhacayna, ma ahan wax sahlan.

Waraysi uu siiyay warbaahinta gudaha, Shutteran Wala ayaa oohin afka furtay isaga oo waliba ilmeynaya, goor uu shaaca ka qaaday in – xittaa in kasta oo 9 xubnood oo qoyskiisa kamid ah ay ku jireen codbixiyaasha – uu haddana helay shan cod oo kaliya.

Mar la weydiiyay in tani la micno tahay in reerkiisu aanay codkooda wada siinin, wuxuu sheegay inaanu eedeyn karin reerkiisa, balse uu canbaareynayo ku-shubada codadkii la dhiibtay oo la musuqay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!