crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney ku xayirantay suuli muddo saddex maalmood ah! | HimiloNetwork

Haweeney ku xayirantay suuli muddo saddex maalmood ah!

MUQDISHO (HN) — Haweeney 54 jir ah oo ku nool Thailand ayaa si aanay ku tala-gelin iskugu xirtay albaabka musqusha qubeyska. Waxayna ku qaadatay muddo saddex maalmood inay uga soo baxdo kadib markii loo soo gurmaday!

Muddadii ay ku jirtay suuliga, haweeneydan ayaa lagu soo warramayaa inay ku ‘samatabaxday’ biyaha tubada oo ay cabi jirtay. Waxay markii hore ku qeylisay ‘iga soo gaaraay’ iyo wixii la halmaala, balse markii ay fahamtay in cidna aysan maqlin, waxay sugtay goorta Eebbe u qadaro inay ka baxdo xabsiga ay sida kediska ah isku gelisay.

Haweeneydan oo saxaafadda Thailand aysan shaacinin magaceeda ayaa lagu soo warramayaa inay sidan mobil markii ay galaysay suuliga, iskaba daa wax ay cunto ama ay cabto e.

Xaaladda haweeneydan ayaa hadda lagu soo warramayaa inaysan kasoo reyneyso maadaama ay ka qataneyd dhuuniga oo ay kaliya ku nooleyd biyaha tubada. Ma ahan markii ugu horreysay oo sheekooyinka nuucan oo kale ah ay ka dhacaan qaaradda Aasiya iyo guud ahan dunida daafaheeda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!