crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Askari Britain: “Dusha uma saari karo dad dhan qof qaladkiisa” | HimiloNetwork

Askari Britain: “Dusha uma saari karo dad dhan qof qaladkiisa”

Muqdisho (Himilonews) – Askari kamid ah ciidanka Biritain—kaas oo lugtiisa kuwaayay dagaalkii Ingiriisku kula qaadeen Maraykanka dalka Ciraaq, ayaa sheegay inuu la yaabay sida dad badan ay uga filayaan inuu Muslimiinta ku cunsureeyo sababta waaya’aragnimadiisa.
Chris Herbert ayaa tilmaamay qof inuu isku dayay inuu ku tirtirsiiyo Muslim-dacaayadeys—isaga oo ugu yeeray dadka joojinta ummad dhan in lagu dhaleeceeyo falka ay dhigaan intooda yar.
Wuxuu yiri: “Way dhacday inaan gacan Muslim ku naafoobay..hayeeshe waxaa kale oo jira tiro badan oo Muslimiin ah oo taniyo markaas igu kaalmeeyey inaan bogsado.”
Wuxuu sharaxay inay jireen dhaqaatiir, qalllin-yaqaano Muslimiin ah oo xaaladdiisa qeyb-weyn ku lahaa—iyo kuwo badan oo Muslimiinta kamid ah oo talo-saaxiibnimo ugu deeqay intuu ku jiray Isbitaalka.
Wuxuu kale oo hoosta ka xariiqay waaya’aragnimo aan loo riyaaqin uu kala kulmay caddaanka Brirtish ah, hayeeshe wuxuu intaas ku daray: “In-kasta oo dad badan ay qeyb ku lahaayeen bogsashadeyda! Hadana ma necbani xittaa caddaanka British hahaha.”
Hadalladiisa ayaa kusoo beegmaya xilli siyaasiiyiin badan ayaa uurxumidooda ka muujiyeen sida aysan ula dhacsaneyn Muslimiin badan inay soo galaan qaaradda Yurub.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!