crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta UK oo gargaaray Caddaan Biritish ah | HimiloNetwork

Muslimiinta UK oo gargaaray Caddaan Biritish ah

Muqdisho (Himilonews) – Kumaakun oo daganayaal ah ayaa indhahooda ku arkay hantidoodii ku burburtay daadad kusoo rogmaday.
Hayeeshe, inta lagu jiray samata-bixinta, daganayaashu waxay sheegeen falal isku dhaf ah oo naxariis iyo niyad-wanaag ah oo uga yimid dad la qaayibo—Muslimiinta UK.
Sama-doonayaasha Ururka Al-Imdaad, oo ah Urur Sama-fal Islaami ah oo ka dhisan Blackburn ayaa u ban-baxay dhibanayaasha iyaga oo waqti badan ku qaatay samata-bixinta reeraha iyo agabyadooda.
Waxaa kale oo ay sideen cunno fudud oo ay u qeybinayeen dadka daadadku kasoo saaray guryahooda; bustayaal, jaakado iyo adeegyo badan.
Ururkan oo la dhinac shaqeynayey bileyska iyo kooxaha gurmadka ayaa kaalin muuqata ku yeeshay badbaadinta dhibanayaasha.
Daganaaysha ayaa ka mahad-naqay falka Insaanimo ee uga yimid Muslimiinta kula nool UK—iyaga oo tilmaamay inaysan jirin ereyo u dhigma abaalkooda oo ay ugu mahad-celiyaan.
Falkan ayaan aheyn kii ugu horreeyey ee lagu arko Muslimiinta ku nool UK.
Toddobaadkii hoe ayay aheyd markii walaalaha Muslimiinta ah ee ku nool Manchester ay cunno bisil u qeybiyeen dadka dib-jirka ah, kuwa maandooriyhu daashasay iyo kuwo kale.
Si kastaba, Muslimiinta UK ayaa kaalin fiican ku yeelanaya is-dhexgalka bulshada ay la nool yihiin—say u muujiyaan doorka wada noolaansho ee Islaamku jideeyey. Balse tallaabooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli dunida reer Galbeedka ay aragtiyo sirgaxan ka qabaan diinteenna Islaamka.

mus2 mus3 mus4 mus5

Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!