HomeSahankaHadda qof walba qaabka socodkiisa ayaa lagu soo saari karaa.

Hadda qof walba qaabka socodkiisa ayaa lagu soo saari karaa.

Beijing (HN) — Iska ilow in qofka lagu aqoonsan karo wajigiisa oo kaliya. Hadda dalka Shiinaha ayaa sameeyey tiknoolojiyad cusub oo sahlaysa in qofka lagu aqoonsado qaabka socodkiisa haddii aan la fahmi karin wajigiisa ama uu sii jeedo.


Barnaamijkan oo loo yaqaan gait recognition waxaa hindisay aqoon-yahanno bahoobay ayaa suura-gelinaya in qofka lagu heyb ogaado qaabka socodkiisa iyo dhaqaajinta xubnaha laga socdo sida lugaha iyo gacmaha.
Dhammaan shaqsiyaadka waxaa hannaan socodkooda caadiga la marinaya barnaamij software ah kaas oo qofka la marsiin doono marka la rabo in lasoo saaro.

Marka loo eego war kasoo baxay Watrix, hubaalnimada ama sax ahaanshaha barnaamijkani wuxuu heerkiisu gaarsiisan yahay 96%.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments