“Waxaan aqriyay sheekadiisa, waxaana ay igu dhiirri-gelisay inaan isku hayo,” ayuu yiri. “Markii aan degmadayda ka furay iskuulka, waxaan isku dayay inaan dhaqan-geliyo.”
“Bilowga hore ee fasalka ayaan u diyaarinaa si ay ugu danbayn dugsiga horraantiis u awoodaan inay labada gacmood wax ku qoraan. Laba qoraal ayay isku mar labada gacmood ku wada qorayaan.”
Sharma wuxuu sidoo kale rumeysan yahay in xirfaddani ay ardayda ku kaalmaynayso barashada luqadaha. In kasta oo si ballaaran loo aaminsan yahay inay baraarugga qeyb libaax leh ka qaadanayso, daraasado cusub ayaa tilmaamaysa in tallaabadani maskaxda halis ku noqon karto.
Daraasad lagu sameeyey waqooyiga Finland ayaa lagu sheegay in labada gacmood oo mar qura wax lagu wada qoro ay halis ku tahay maskaxda, dhibaato dhinaca luqadda ahna ay keeneyso.