Muqdisho (Himilonetwork) – Mar alaaliyo markii waddanka uu gudo-galay marxaladdii burburka, waxaa jab ku yimid oo dowladii la burburay nidaamka lagu xukumo oo dowlad walbo ay qasab ahayd inay ku ilaaliso waddanka. Waxaana uu ahaa kii hore hanti-wadaag oo la isku waafaqsan yahay dhibaatadiisa inay ka badnayd faa’iidadiisa.
Burburkii kadib, koox walba oo rabtay inay ka qeyb-qaadato maamulka waddanka waxa ay soo ban-dhigtay mashruuc maamul oo nasiib-xumo mar walbo ku saleysnaa qabiil iyo qabyaalad. Mashruucyadoodaas qabyaaladda ku salaysan ayaa ay dhacaysay illaa iyo haddana dhacdaa in wadanka lagu maamulo.
Nidaam walbo oo ku saleysan horumarinta maslaxad koox gooni ah suurto-gal ma ahan in uu sii socdo ama natiijo fiican laga helo kuna sii darso midka qabyaaladda ee maamullada Soomaaliya wax ku maamulaan inuu kahor imaanayo mabaadii’da bani’aadanimada iyo tan Islaamka, waxa uuna ka qeyb qaadanayaa in umadda ay sii kala go’do oo ay u arkaan iyaga oo hal dhul ku nool inay kala leeyihiin masaalix kala duban.
Iyadoo aan ahay qof wali ay ku yar tahay qibrad siyaasadeed, haddana aqriska iyo fiirfiirinta xaaladda waddanka waxa ay iga dhigtay inaan ka mid noqdo dadka raadinayo nidaam maamul oo dalka lagu dhaqo kaas oo tiirarkiisu noqonayaan sinnaanta umadda iyo helidda cadaalad, halkaan markii aan joogno waxaa jiray nidaam lagu magacaabo calmaani oo hadal-heyntiisii koobaad ay so bilaabatay qarnigii saddex iyo tobnaad, hayeeshe nidaam ahaan uu soo shaac-baxay qarnigii toban iyo toddobaad.
Nidaamkan oo kasoo jeeda dhinaca Reer Galbeedka, sababahii keenay baahidiisa waxaa ugu waaweynaa labo arrin oo kala ah:
-
Qooqii ay qooqeen culumada diinta: madaama ay dadka ku qasbeen fikirka ah wadaad diimeedka in uu yahay nin wax walba uu sameeyo ay sax yihiin.
-
Dagaalkii u dhexeeyay wadaaddada diinta iyo culumada cilmiga: dagaalkan oo dhashay ka dib markii ay u arkeen wadaad diimeedyadii culumada cilmiga inay furayaan caqliga dadka oo sidaas ay kusoo yaraan karto awoodda wadaad diimeedka.