Iska dhaadhicinta in Zhang ay wax-yar ka dib dhaceyso, hayeeshe ay ugu danbeyn u imaaneyno la kulankiisa, Cirk ayaa go’aansaday inuu ku sugo gudaha garoonka.
Sawirro laga soo qaaday Cirk oo ku baahay baraha bulshada ayaa muujiyay boorsadiisa iyo isaga oo dhinac fadhiya kuraasta sugaalka.
Maalintii dhaaftaba, rajadiisa ah inuu la kulmo gabadha uu calmaday ayaa sii xumaaneysay waxayna saameyn ku yeelatay moraalkiisa qalbi ahaaneed. Kadib 10 maalmood oo uu ku nagaaday gegida Changsha, Peter waxaa loo qaaday isbitaalka markii uu ku xanuunsaday dhafarka iyo nasiino la’aanta yar ee ku dhacday.
Hal sawir oo laga soo qaaday ayaa muujinayay isaga oo lala walfinayo faleenbo ku suran gacantiisa.
Markii sheekadiisa jaceyl ee natiijo xumaatay ku baahday baraha bulshada, wariyayaal Shiinees ah ayaa u qalabeystay inay ku war-geliyaan Zhang waxayna su’aaleen sababta ay ula kulmi weysay wiilka jeceylkeeda awgeed uga soo dhoofay meel fog.
Waxay qiratay in Cirk u sheegay inuu u imaanayo lakulankeeda, waxayse mooday inuu ku kajamayo. “Waxaynu horumarinay jaceylkeenna hayeeshe wuxuu dhawaanahan u muuqday mid gaabinaya,” ayay Zhang u sheegtay war-fidiyeenka.
In-yar kadibna waxay u baxday inay gasho qalliin caafimaad. Peter wuxuu u qaatay inay la socto maadaama ay furnaan kaga tagtay koontadeeda facebook-ga. Waxay tilmaantay inay dooneyso inay Cirk lasii waddo xiriirka jaceyl oo ay la kulmeyso markii ay kasoo laabato caafimaadka ay u baxday kadib.
Hayeeshe Peter ayaa dib isaga laabtay dalkiisa mana cadda haddii uu quudarreynayo fursad kale inuu ku bixiyo la kulanka Zhang iyo in kale.