CEELASHA BIYAHA, SOOMAALIYA (Himilonews) – Daraasaad dheer oo ay sameeyeen dadka qabiirka ku ah sida wax loo Maamulo ayaa waxay horey u yiraahdeen Maamulka wanaagsani waa“Nolosha barked”, hase yeeshee anigu waxaanba leeyahay “Noloshuba waa Maamulka”. Sababtoo ah, Maamulku waa fulinta &hirgelinta Nidaamka u degsan: Qaran ,Hay’ad, Mashruuc, Urur, Qoys ama qeyb kasta oo Bulshada kamid ah.
Teeda kale, Dad ayaa aaminsan in uusan Maamulku ahayn Cilmi la barto oo Iskoolo & Jaamacado looga soo baxo& in qof kastaaba noqon karo Maamule wax wanaajiya .
Akhristoow bal u fiirsoo waxyaabaha fashilaadda & guuldarrada u keena Maamullada & Mashaariicda Qaarkood, waxaan u Dareemi karnaa iney salka ku hayaan tixgelin la’aanta qiimaha Maamulka, Tusaale fiican oo aan wada dareemikarno, waxaa weeye: Haddii aan nahay Bulsho weynta Soomaaliyeed aan dib u milicsanno taariikhaheenna murugada leh ee nasoomarey da’kastoo aan leenahay oo illaa iyo hadda aan faraha kula jirno Maamul xumo & musuq is huganoo is kaalmeysta, welina aynaan garowsaneyn ama dareensaneyn meesha nalaka hayo oo cudurkeennu kujiro.
Maxaa lagu gartaa maamulaha wanaagsan?
Waxaa is dhaafiya dadka, dawladaha, ururrada. & qoysaskaba waa Maamulka Wanaagsan, Maamulkasta oo hirgaleyna ogoow waxaa kadambeysa Caqli & maskax Habeysay, markaasna la yaab ma lahan iney dadku dareemaan marka qof loo dhiibo Jago Sare, iyagoo is weydiinaya su’aalahaan:”Qofka aqoontiisa, Kartidiisa & la dhaqanka dadka sida uu kuyahay”, halka haddeer la is-weydiiyo “Yuuyahay, Xagee kayimid & Diinta kooxdee kataageer sanyahay” Iwm. Waxaana muhiim ah in laga fiiriyo Sifooyinka lagarabo Maamulaha Wanaagsan.
Waa Maxay Astaanta laga rabo Maamulaha wanaagsan..?
Waxaa la sheegay Sifooyin badan, waxaase lama huraan noqotay in laga helo 3-sifo oo aasaas u ah ku Guuleysiga Maamulka Bulshada & Mashaariicda kala duwan. Waana kuwaan:
-
Waa inuu yaqaanaa Diinta Islaamka & ku dhaqankeeda, waana inuu xariif kuyahay la dhaqanka bulshada, taasoo u suura gelineyso in uu aqoon qoto dheer u yeesho dadka uu hoggaaminaayo & Cilmiga xiriirka aadamiga si uu u garto waxyaabaha dadka kiciya ama dejiya Ama ku xambaara wada shaqeynta & is afgaradka.
-
Waa inuu Karti u leeyahay go’aan ka gaaridda arrimaha kahor imaanaya ,taasina waxay u baahantahay geesinimo & adkeysi.
-
Waa in uu u gudbinkaraa fikradihiisa & talooyinkiisa badadka kale, kuna qancin Karo, waxayna taasi u baahantahay inuu xiriir adag la leeyahay dadka arrimuhu khuseeyaan.