Muqdisho (Himilonews) –Â Nafley jaadad badan leh oo, Muslimiinta iyo Yuhuudda ma ahane, dadka kale xoolo ahaan u dhaqdaan.
Kan Soomaaliya jooga wuxuu leeyahay guud yar iyo gano waaweyn. Kolka uu ordayana, dabada ayuu kor lig u siiyaa. Karkarre~ Khaansiir.
Waa sanku-neefle garasho dheer. Wuxuu katirsan yahay qoyska Suidae. Wuxuu badi ku dhaqan yahay Afrikada hodanka ah. Wuu daaqaa. Wuxuu leeyahay 44—ilkood.
Tiiyoo 1—bilyan oo Doofaarrada la-dhaqdo ifka laga heli karo goor walba, waa sanku-neeflaha naasleyda guudka saaran ugu tiro badan.
Culeyskiisu waa dhedigta oo u dhaxeysa (45–70kg) iyo midka lab oo ah (60–100kg). Wuxuu galmada ku bilaabaa 18-bilood kadib dhalashada. Sidka waxaa loo shintiriyaa 3-bilood. Waxay mar kaliya dhalaan (1-8) dhal. Wuxuu xawaareyn karaa 40km saacadiiba. Gantiisu waxay dheer tahay ilaa 25-cm.Â
Wuxuu ku tarmaa nagaadi nabaad iyo naqba leh. Wuxuu badi ku nool yahay godadka. Wuxuu aad u laaya cawska, caleemaha, xididada, miraha iyo ubaxyada. Waxaa kale oo uu cunaa noolaha aan laf-dhabarta laheyn. Â
Wuxuu xanbaarsan yahay noole ilma-arag ah iyo cudurro dadka ku gudbi kara. Wuxuu sidaa cudurro badi Afrikada hodanka ah halis ku ah iyo siiba dadyowga dhuuni ahaan u cuna. Dureyga ku dhaca aadmiga, fayrusyadiisa mid kamida waxaa sida Doofaarrada. Â
-
Doofaar ficil la’aan baa loo cadaabaa!
-
Doofaar ma daahiro.