Muqdisho (Himilonews) – Bahal dummadda u eg kase weyn biyooloji ahaanna lagu daro bah Dinnad; wuxuu leeyahay adimmo dheerdheer, dabo gaaban, dhego dheerdheer oo timo ka taagan yihiin—labada can wuxuu ku leeyahay dhogor duf ah, waxaana la yiraahdaa wax ka arag dheer. ~ Jiifaa ama Huuris.
Wuxuu badi dishaa waxaraha; kolna neefka ariga ah. Wuxuu caan ku yahay inuu jiito dilanka deedna uu ku duugo god; kadibna kis-kis uu neefka ku cuno baqtigiisa. Taas oo mar lagu sheego inuu calool-qaadkiisu yaryahay—marna uusan lahayn miciyo ku filan oo uu ku feeynto neefka dubaaxaya. Labada galinba wuu gabraartaa waloow fiidkii iyo caweyska danbe uu galgalka badiyo.  Â
Guduudanaha qaar ee ku nool Aasiya waxay cimriyaan wax ka badan 15-sano. Guduudanihii ugu cimri dheeraa Aasiya wuxuu ku dhintay da’da 24-sano.Â
Waa kaligii-soolane. Waloow uu kolkol wada socdo ama uu wada gabraarto. Sidka Guduudanaha waxaa loo shintiriyaa muddo 70-maalmood ah. Dhashu muddo sagaal bilood ah ayuu la joogaa hooyadiis kahor inata uusan noqon mid iskiis u ugaarta. Wuxuu cunaa Digiiranta, Sagaarada, Ariga iyo kuwa la halmaala.Â