Muqdisho (Himilonews) – Biciidku wuxuu ku nool yahay Hawdka, Badaa’iska iyo Sudaha. Wuxuu daaqaa Doogga iyo Bilcilkaba. Labkiisu waa Saryan. Halka dheddigiisana loo yaqaan Biciid.
Biciidku, markuu badan yahay ee uu meel wada joogo, waxaa loo yaqaan Yahaab Qamaamaley ah.
Inkasta oo Biciidku leeyahay geeso waawayn, hadana waa ka ugu fulaysan oo wuxuu ka didaa shimbir agtiisa ka duushay. Saryanka wuu saaraa labka kale. Wuu sahmiyaa; waanu hayaamiyaa. Saantiisa waxaa laga jeexaa suumanka Maddannada loo yaqaan ee Sabeeno la siisto.
Cabsida badan awgeed, Biciidku wuu is-raad-guraa. Waxaanu u dhow yahay hadaad meel uu saakay maray ku sugto, inuu kugu soo noqdo.
Biciidka yar yar waxaa loo yaqaan magacyo ay kamid yihiin Sawaro iyo Dheddigo.
Hal-qabsiyada laga qabtay Biciidka waxaa kamida;
-
Wallee, Saryan gooni-daaq ahi gelin ma harsado.
-
Buur caws oo biyo ku agyaal baadi doonyoo Biciidkuba waa!