Muqdisho (Himilonews) – Sagaarada oo ku dhaqanta Sudaha iyo Duudaha, midkeeda labka ah waxaa lagu magacaabaa Atoor. Teeda dhedigta ahna waxaa la yiraahdaa Yac. Sagaarada markay yaryar tahay waxaa loo yaqaan Biiq-sagaaro.
Sagaaradu waxay isku raacdaa laba-labo. Waxay dhashaa Kaliisha. Kaliishu waa xilliga kulul ee roobka kasoo hormara; ama xilli roobaad.
Golcas, Guun iyo Sandheer-cawlo waa saddex jaad oo Sagaarada loo qeybiyo.
Waxaa jira saddex siyaabood oo lagu qabto Sagaarada kuwaas oo ah:
-
Inaad xilli kulul eryato.
-
Inaad toosh ku ifiso–gaar ahaan xilli gudcurka.
-
Inaad siriq ama dabin u dhigto.
Hal-ku-dhigyadii laga yiri Sagaarada waxaa kamid ah:
-
Harag Sagaar iiga kac mooyee, iiga durug malahan.
-
Sagaaro intay tub joogtay tub kale dayataa.
-
Sagaaro labo cad oo lakala qaado maleh.
-
Meel Aar ka kacay buu Atoor farfariistaa.
-
Sagaarooy waxaad la orodaba ma labada addinbaa?!
-
Sagaaro dud mooyee, dareen iskuma kordhido.
-
Atoor Sagaar intiisa ayuu guun ku yahay.
-
Atoor Sagaar iyo oday koofureedba habar baa u talisa!