HomeDunida MuslimkaTacsi loo diray musiibadii Xajka

Tacsi loo diray musiibadii Xajka

Riyaad (himilonews) – Balan-qaadka ay dowladda Sucuudiga ku furtay sabtidii shalay oo ku saabsan dhimashada 107—ruux oo Xujeyda ka tirsan oo uu kusoo dumay dabaq kamid ah dabaqyada Masjidka weyn ee Xaramka Makka, hoggaamiyaasha dunida ayaa muujiyay tiiraanyada ay ku heyso dhibaatada gaartay xujeyda Muslimiinta ee ku geeriyooday.
“Waxaynu ku deeqaynaa murugo iyo tiiraanyo dowladda Sucuudiga,” af-hayeenka waaxda dowladda John Kirby ayaa u sheegay war-fidiyeenka.
“Waxaynu aragnay wararka warbaahinnada oo ku saabsan shilka ka dhacay Xaramka. Waynu ognahay dadaalka aan harsiga laheyn ee ay dowladda Sucuudiga ku howl-galayso, hayeeshe, mar labaad waynu la wadaagaynaa ducada iyo tiiraanyada ku aadan dadkoodii ay ku waayeen shilkaas,”  ayuu sii raaciyay Kirby.
Tiro Muslimiin xujey ah ayaa ku dhintay halka dhowr kalana ay ku dhaawacmayeen markii uu kusoo dumay wiish gudaha masjidka weyn ee Xaramka Makka. Tani ayaa ka danbeysay kadib markii dabeylo xoogan oo roobab mahiigaan ah sita ay Jimcihii ku da’een Xaramka.
Sida lagu helayo wararkii ugu danbeeyey ee laga helayo Xaramka, 107 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay halka 238-kale oo isla xujeyda ka tirsanna ay ku dhaawacmeen.
Sawiro dhowr ah oo laga soo qaaday goobta shilku ka dhacay ayaa muujiyay in dhiigga meydadka iyo dhaawacyada Xujeyda ay wada gaareen qeybo badan oo ka baxsan goobta shilka.
Shilka ayaa dhacay mar Boqorka Sucuudiga uu soo dhaweynayay 3—malyuun oo Xujey Muslimiin ah kuwaas oo u yimid gudashada xajka ee sanadkan.
Ra’iisul wasaaraha Biritin David Cameron ayaa ku deeqay baroordiiq iyo duco ku aadan musiibada—isaga oo qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen tacsi u diray.
Xajka ayaa ah mid kamid kulan-sanadlayaasha isku imaantinka ah ee dunida ka dhaca.
Sanadkii hore, tirada dadka loo ogolaaday inay soo xajiyaan ayaa hoos loo dhigay sababo badbaado awgeed. Tani waxay ka danbeysay kadib markii la bilaabay mashruuc lagu balaarinayo masjidka weyn Xaramka.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal”
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments