HomeDunida MuslimkaFeeryahannada Mexico oo qaadatay diinta Islaamka.

Feeryahannada Mexico oo qaadatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Feeryahannada miisaanka culus ee u dhalatay dalka Mexico, Amber Leibrock ayaa qaadatay diinta Islaamka – iyada oo tilmaantay inay heshay farxad iyo liibaan aysan weligeed horay u helin.

Sida ay kusoo warramayso Khaleej Times, 35-jirtan ayaa Muslim-nimadeeda ku sheegtay baraheeda bulshada waxayna si qoto dheer uga hadashay sida Islaamku nolosheeda u beddeshay.

“Bilihii lasoo dhaafay oo dhan waxaan qaadanayay xaalad ii horseeday inaan dareemo xasilooni,” ayay tiri.

Waxay u mahadcelisay ehel iyo saaxiibo oo gacan ka geystay inay Islaamka qaadato.

Islaamku waa diinta ugu faafidda badan caalamka.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments