HomeDunida MuslimkaMinneapolis oo codbaahiyaha u adeegsan karta aadaanka shanta salaadood maalin walba.

Minneapolis oo codbaahiyaha u adeegsan karta aadaanka shanta salaadood maalin walba.

MUQDISHO (HN) — Golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis ayaa si wadajir ah ugu codeeyey in codbaahiyaha hadda kaddib loo adeegsado aadaanka salaadaha, waana tallaabadii ugu horreysay oo magaalo Maraykan ah ay ku dhaqaaqdo.

“Dastuurka ma seexdo habeenkii,” ayuu yiri Jaylani Hussein oo kamid ah Guddiga Xiriirka Muslimiinta Maraykanka.

Wuxuu sheegay in tallaabtan ay dunida tusayso in qaran lagu unkay xurriyad uu weli ku taagan yahay ballamihii lagu taagay.

Tallaabtan ayaa kusoo aadaysa waqti lagu jiro bisha barakaysan ee Soonqaad, waxaana dadaalka guushan ay soo jiitamaysay gu’yaalo badan.

Sidoo kale, degmada Astoria, New York ayaa loo fasaxay inay aadaanka u adeegsan karaan codbaahiyaha shanta salaadood.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments