HomeDunida MuslimkaXujeyda oo saaran Buurta Carafo.

Xujeyda oo saaran Buurta Carafo.

MUQDISHO (HN) — Raadinta cafiska iyo raali ahaanshiyaha Eebbe, ku dhawaad hal milyan oo Muslimiin ah ayaa dul tuban buurta Carafo oo dhacda bariga magaalada Barakaysan ee Makka maanta oo Jimco ah kaddib xayiraaddii Covid-19 oo suuragalin waayay in xujeydu soo gutaan xajka iskaba daa inay ku kulmaan buurta dusheeda.

Xalay ayay habeenno cibaado iyo alla-bari ku qaateen xerooyinka Mina oo ah halka ugu horreysa ee laga bilaabo acmaasha xajka.

Buurta dusheeda, Muslimiin badan ayaa ku alla-baryaya iyaga oo isla mar ahaantaana istiqfaar iyo taxmiid ku daraya. Qaar badan waxay sitaan dallado si ay milicda kulul ee cadceedda ay uga gaashaantaan.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments