Yaxye Samatar oo helay fasax uu ku daganaan karo Kanada
Posted by: Zakariya
in Wararka
October 1, 2015
487 Views
Muqdisho – Yaxya Samatar, oo ah ninkii Soomaaliyeed ee kusoo dabaashay Webiga Cas kagana soo gudbay Waqooyiga Dakota kuna yimid Manitoba, waxaa loo oggolaaday inuu ku joogi karo gudaha dalka Kanada sida “qof dhowraaran” oo aan dib loo celin karin lana xukumi karin.
Wax-yar kadib maqalka warkaas, Samatar wuxuu la dhoolla-caddeeyey farax iyo reynreyn isaga oo u sheegay CBC News in hadda uu diiradda saari karo mustaqbalkiisa.
“Waxaan ku faraxsanahay xeerka Kanada ee ii siiyay dhowraaris ‘Protection’,” ayuu ku yiri cod riyaaqsan. “Dhabtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta kadib ahay qof dhowraaran. Haa aad iyo aad ayaan u faraxsanahay.”
Qareenka Samatar ayaa sheegay Arbacadii in Samatar uu xaq lamid ah kan qaxootinimo uu leeyahay—xilligii uu heli lahaana uu taagan yahay.
Waxaa wali sugaya saddex sano oo uu ku qaadan doono dhalashada Kanada markaas kadib.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal”
Nagala soo xiriir; Himilonews@gmail.com.
Related
2015-10-01
You must log in to post a comment.