MUQDISHO (HN) – Muslimiin garab-rarato ah ayaa mar kale la kulmay jirdil iyo gacan-qaad aad u xun oo kaga imaanaya xagjir xiriir la leh kooxda RSS ee majaraha u heysa xibisga dalka Hindiya ka taliya ee BJP.
Labada nin oo la kala yiraahdo Sheikh Riyazul oo kasoo jeeda degmada Arambag iyo Md Salauddin oo isna kasoo jeeda Tiljala waxay dhinaca laamiga ku iibinayeen cunnooyin fudud sida qudaarta iyo macmacaannada warshadaysan markii lagu soo qaadayay weerarka. Riyazul oo muddo 22 sannadood ah ku ganacsanayay goobta ayaa sheegay in qaswadayaashu ay markii koowaad su’aaleen magaciisa kadibna ay ku bilaabeen jirdil iyo garaac aad u xanuun badan. Waxayna intaas kadib ka kala daadiyeen wixii u saarnaa miiska oo uu ku ganacsanayay!
Salauddin wuxuu sidoo kale isaguna sheegay in loo beegsaday islaam-naceyb oo kaliya. Muuqaalka ayaa muujinaya qaswadayaasha oo hareereynaya Salauddin kahor inta aysan waraysi gaaban kaddib ku bilaabin jirdil.
Booliska Kolkatta ayaa baaritaan ku wada labadan dhacdo oo sida la og yahay ay gadaal ka riixayaan xagjir diiddan jiritaanka Islaamka iyo Muslimiinta gudaha Hindiya.