MUQDISHO (HN) – Mu’addin ku nool Muzaffarnagar ayaa si xun waxaa u jirdilay booliska magaalada in yar un kaddib markii uu yeermada salaadda subax kasoo degay taas oo shaaca ka qaaday dulqaad la’aanta loo hayo bulshada Muslimka ah ee gobalkaas ku nool.
Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya dhamme Vinod Chaudhary oo si xun shaatiga uga jiidaya mu’addinka masjidka Madina, Muhammad Irfan in yar un kaddib markii uu kasoo baxay Masjidka si uu sanduuqa sadaqada usoo dhigo bannaanka.
Irfan wuxuu u sheegay warbaahinta Maqbool in askartu soo weerareen ogeysiis la’aan – iyaga oo si been-abuur ah ugu ganbanaya in aadaanku uu yahay mid aan sharciyad lahayn iyada oo Masjidku uu weliba heysto warqad fasax ah oo laga soo siiyay xarunta degmada.
“Wuxuu bilaabay inuu si aan jecleysan uu ii qadaanqadiyo isaga oo aan ilaba hadleynin,” ayuu yiri. “Markii aan isku dayay inaan tuso warqadda fasaxana, wuxuu kaliya i weydiinayay ‘yaa ku yiri addin?'”
Markii saldhigga la geeyey, Irfan waxaa lagu yiri: “haddii aan jeceshahay aadaanka, orod Pakistaan aad.”
Wuxuu sii xirnaa saacado ilaa markii dambe dadweynaha xaafadda ay ka shaqeeyeen deysmadiisa.