Muqdisho – Turkiga ayaa si rasmi ah u daahfuray xero ciidan oo aad u weyn kuna taal koofurta Caasimadda Muqdisho; xeradan ciidan oo ah tan ugu weyn saldhigyada Millateri ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsa ciidda Turkiga ayaa ka kooban 3; dugsi oo loogu talagalay tababarka ciidanka,Guryo ay askartu inta la tababarayo degaan maamulka iyo maareynta xerada loo diyaariyey, Masaajid iyo meelo lagu fuliyo adeegyo kale ayaa kamid ah dhismaha xeradan ciidan.
Turkiga ayaa dhismaha xeradan lagu tababarayo ciidanka Soomaaliya ka billaabay magaalada Muqdisho bishii Maarso-2015, waxa ay ku fadhisaa 400; oo Hiktaar ama 4km, waxa uuna dhismaheedu ku kacay 50; milyan oo dolar.
Waxa ay ku taal xeebta Badweynta Hindiya, howsha ugu weyn uguna horreysa ee ay qabaneyso hadda waa tababarka iyo soosaaridda 1500, oo Askari oo Soomaali ah, ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay ayaa lagu sheegay in uu yahay gacansiinta unkidda iyo dhisidda ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kaas oo awooda in uu u babac dhigo ururo uu dhaqdhaqaaqa Alshabaab kamid yahay.

Turkiga ayaa bishii September-2017; waxa uu u diray Soomaaliya 200; oo khuburo iyo tababarayaal millateri isugu jira, kuwaas oo kamid ah ciidanka Turkiga, tiro gaadiid iyo Qalab ciidan ah ayaa la socday tabarayaashan oo loogu talagalay in ay tababaraan 10500; (Toban kun iyo Shan boqol) oo Askari oo Soomaali ah, kuwaas oo ay soo jeedisay QM, sida uu ku warramay telefeshinka AL-jazeera.
Koofurta Soomaaliya waxa jooga in ka badan 20; kun oo askari oo ah ciidanka dowladaha midowga Afrika ee ku jooga ciidda Soomaaliya magaca Amisom, sidaas oo kalana waxa jira tiro xeryo shisheeye ah oo ku yaal caasimadda Muqdisho, waxa xeryahan deggan ciidamo ajanabi ah, qaarkoodna waxa ay gacanta ku hayaan ciidamo Soomaali ah oo ay iyagu tababarteen.
Awoodo kale oo shisheeye oo ay ku jiraan Maraykan iyo midowga Yurub ayaa ku lug leh tababarka ciidanka Soomaaliya, waxa jira dhibaato ka jirta dhanka isku xirnaanta iyo isla socoshada tababarrada la siiyo ciidanka Soomaaliya.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa hadda ku howllan dhismaha iyo adkeynta saldhig Millateri oo aad u ballaaran, kaas oo laga wado howshiisa magaalada Berbera.
Sida la qorsheeyey lana shaaciyey waxa ay ahayd in madaxweyneyaasha Turkiga iyo Soomaaliya ay ka qaybgalaan furitaanka xeradan, balse Recep Tayyip Erdogan ma iman, sidaas oo kalana madaxweynaha Soomaaliya oo lagu sii xardhay derbiyada xeradan in uu ka soo qaybgelayo furitaankeeda ayaa ka baaqsaday, isaga oo joogay Muqdisho, taas beddelkeedana waxa tegey wasiirka koowaad ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Khulusi Akar; RW: Kheyre & Danjire Olgan Bekar
Qoraalkaas waxa lagu dhejiyey munaasabaddii furitaanka saldhigga Ciidanka Turkiga ee Muqdisho
Taliyaha xoogga dalka Turkiga Khulusi Akar; oo ah ninka xagga ciidanka ugu sarreeye Turkiga ayaa yimid Muqdisho, si uu uga Qayb galo munaasabadda daaha looga rogay xeradan Millateri.
You must log in to post a comment.