crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sababta aan ugu baahannahay inaan dhoolla-caddeyno! | HimiloNetwork

Sababta aan ugu baahannahay inaan dhoolla-caddeyno!

Muqdisho (Himilonetwork) – Waxaynu qarash ku bixinaa lacag badan sanad kasta kaliya si aan iskugu dayno inaan hubsano caafimaadkeenna. Qaadashada cunno bisil, booqashada dhaqaatiirta, hubinta faya-dhowrka iyo dhawaanahan jimicsiga iyo jiimka oo kusoo kordhaya waa najiitooyin lagu doono in qof uu ku ogaado negi-samida caafimaadkiisa.
Waxaa jira habab badan oo aad ku keydsan karto lacagtaada korna aad ugu qaadi karto caafimaadkaaga. Waana xittaa tijaabooyin fud fudud. Mid kamid ah hababka ugu fudud ee aad ku hubsan karto tayada caafimaadkaaga, niyad-samidaada, cimri-dhererkaada iyo xittaa guushaada waa kaliya inaad dhoollaha caddeyso ama muusoodka.
Muusoodku ama dhoolla-cddeyntu waxay kaalin kaga jirtaa sida dunidu u ogaan karto tayada iyo tilmaanta farxaddaada. Kaliya xittaa uma baahna inay noqoto mid toolmoon; hayeeshe dhoolla-cddeyska dhabta ah ayaa wanaag badan kugu biirisa.
Badi dadka waxay bixiyaan dhoolla-caddeys bug ah; xittaa haddii aysan dhihi Karin sida ay u og yihiin. Dhoolla-caddeynta bugta ah aalaaba waxay murqaha u saxar dilaan si aad uga yar midda dhabta ah taas oo ay kusoo biiraan murqaha indhaha: hayeeshe, sinnaba uma xuma inaad dhoolla-caddeyso.
Maxaa kaaga lumaya haddii aad dhoolla-caddeyso? Dhoolla-caddeyntu ma ahan inay ilkahaagu caddaam yihiin; waa in qalbigaadu nadiif yahay; kana maran yahay cuqdad iyo ciil.
Hadaba, tallaabootinka caafimeed ee laga helo dhoolla-caddeynta waxaa kamid ah;
Dhoolla-caddeyntu waxay hoos u dhigtaa garaaca wadnaha – dadka inta badan dhoollaha caddeeya waa kuwa ugu badan ee ka badbaada wadne istaagga iyo sidoo kale cadaadiska dhiigga.
Waxay yareysaa walwalka – walwalka waa dhibaato guud kaas oo sababa dhibaato caafimaad. Walwalka waxaad kaga bogsan kartaa kaliya inaad waxoogaa yar maalinkiiba dhoollaha caddeyso. Waayo dhoolla-caddeyntu waxay dishaa hormoonada isku urura ee kicin kara walwalka badan.
Waxay dhiirri-gelisaa aaminaaddda – cilmi-baaris aya tilmaantay in dadku ay aad ugu kalsooni badan yihiin kuwa inta badan u dhoolla-caddeeya si qalbi ah waliba. Aaminaaddu waa qeyb muhiim u ah badqabka bulshada markay isla macaamilayaan hanoqoto midka ay jecel yihiin iyo mid kalaba.
Waxay kaa fogeysaa qoomamada – waynu dhoolla-caddeynaa inoo xumo u dareenna inaynan dhoollaha caddeynin. Hadallada gurracan badi kuma saabsana inaan qof rabno inan ku dhaawacno qalbigiisa. Cilmi baaris ayaa tilmaantay haddii aynu dhoolla-caddeyn, waxaan dareemaynaa qoomamo ah inaan waxoogaa xittaa dibnaha u kala qaadi weyno qofka nala macaamila. Qoomamadan ayaa keenta walwal iyo tiiraanyo.
Waxay dishaa xanuunka – dhoolla-caddeyntu waxaa la arkay inay yareyso xanuunnada. Waxay dhoolla-caddeyntu ka dhigantaa xanuun baabi’iye.
Waxay kordhisaa dhiifanida ama digtoonida – tani waa inay xoojinayso isku dhignaanta falka gudaha ka dhasha iyo midka dibadda ka yimaada.
Waxay kuu sameysaa soo jiidasho – Dhoolla-caddeyntu waxay dadka ka dhigtaa mid soo jiidasho leh. Tani waxay gaar ahaan ku laran tahay haweenka; raga aad bay ugu riyaaqaan haweeneyda u dhoolla-caddeysa in ka badan midda kaliya indhaha un kala xiriirta.
Inaad guul gaarto; dhoolla-caddeyntu waxay ku siisaa kalsooni iyo qofka is huba inaad noqoto siiba xilliga shaqadaada; xiriirka wanaagsan awgeed, guulaha ay gaaraan dadka dhoollaha caddeeya waa in taageerayaashoodu badan yihiin.
Waxay kaa dhigtaa inaad qof yar u muuqato – Dhoolla-caddeynyu waxay wajiga ka dhowrtaa jactadka iyo kaduudnimada taas oo qofka muusoodka badan ka yeesha mid saddex sano ka yar da’diisa dhabta ah.
Cimri-dhererka – saameynta dhoolla-acddeynta wanaagsan kuma sinna tayada caafimaadka. Cilmi-baarista ayaa sheegtay inay dadka muusoodka badan ay aad in badan uga cimri dheeraadaan kuwa lamidka ah; waayo waxay yareyneysaa dhamaan cudurrada halista ku ah caafimaadka sida wadne-garaaca, dhiig karka iyo wixii soo raaca.
Waxay wanaajiyaan unugyada jirka – dhoolla-caddeyntu waxay jirka ka yeesha inuu xasilo. Tani waxay unugyada u fududeysaa inay si dhaqso leh u fal-galaan.
Ku darso, inaad walalkaaga u dhoolla-caddeysaa waa sadaqo ajarkeedu badan yahay, sida uu sheegay Suubanaha NNKH.
Balse inta bulshadu wada ogaaneyso faa’iidada caafimaad ee dhoolla-caddeynta, waxyaabo badan ayaa inooga lumi doona tayada midnimadeenna iyo isku tiirsanaanta dhexdeenna.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Xigasho – mustaqbalradio.com.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!