crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin calooshii laga helay Maqas ku jirtay 18 sanadood. | HimiloNetwork

Nin calooshii laga helay Maqas ku jirtay 18 sanadood.

Muqdisho (Himilonews) – Nin ayay la yaab ku noqotay inuu ogaado sida calooshiisa looga helay Maqas ku dhex jirtay muddo ku dhow 20 sanadood.
54-jir lagu magacaabo Ma Van Nhat oo kasoo jeeda gobalka Thai Nguyen ee dalka Vietnam ayaa aaminsan inuu muddo 18 sanadood ah uu la noolaa Maqas ku jirta calooshiisa oo kasoo gaaray qaliin lagu sameeyey kadib markii uu galay shil gaari.
Waxaa muuqata in howsha qalliinka ah ee lagu sameeyey ay si lama filaan uga dhex tagtay Maqasta calooshiisa.
Maqasta ayaa ku nabantay duubka kore ee mindhicirrada – isaga oo sheegay inu dareemi jiray caafimaad iyo bogsi walow maalmihii dhawaa uu xanuun dhanka caloosha ah la darsay. Wuxuuna qaadanayay xanuun baabi’iye iyo wax lamid ah.
Bishii hore si kastaba, ninkan ayaa hadana loo qaaday isbitaalka kadib markii uu galay shil labaad. Dhaqaatiirta ayaa kadib Raajo ay ka qaadeen waxay ku ogaadeen in calooshiisa ay ku jirto Maqas.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi Vietnam ayaa isbitaalka Bac Kan General Hospital waxay amartay inay soo gudbiyaan xogta ku saabsan qalliin-yahankii sida qaladka ah caloosha ninkan uga dhex-tagay Maqasta.
Hayeeshe waaxda isbitaalka ayaa dowladda u sheegtay inaysan siin karin xoga dheeraad ah maadaama muddo ka badan 15 sanadood aysan sameyn keyd.
Isha: Radiohimilo.so
Xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!