crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nigeria – Hooyo cunugeeda ku iibsatay Mooto! | HimiloNetwork

Nigeria – Hooyo cunugeeda ku iibsatay Mooto!

Lagos (Himilonews) – Hooyo ayaa cunugeeda yar ka iibsatay kuwa dadka ka ganacsada ‘Human Traffickers’ waayo waxay rabtay inay hesho lacag ay ku gadato mooto , marka loo eego booliska dalka Nigeria.
Bilayska Anambra ayaa sheegay inay xireen 24-jirta lagu magacaabo Oluchi Emeobi kadib markii ay cunigeeda laba bilood jirka ah ka iibisay haweeney aan la heyb-sheegin.
Saaxiibteed Nchedoch Richard oo 26-jir ah ayaa sidoo kale lala xiray maadaama ay ka caawisay inay cunugeeda la iibiso.
Emeobi waxaa lagu qaaday xukun ku hoos dhasha ciqaabta ay mutaan dad-ka-ganacsadayaasha.
Marka loo eego baaritaanka booliska, Emeobi ayaa dhashay cunug caafimaad qabta laba bilood kahor.  Saaxiibada Emeobi iyo ehelladeeda ayaa shaki uu ku dhashay markii ay cunuga waayeen. Waxaana markaas loo yeeray booliska.
Qacdii horaba, Emeobi ayaa sheegtay in cunuga ay ku wareejisay gabar u xanaanaysa kadibna ay kala dhuumatay.
Ugu danbeyntii waxay qiratay inay iibsatay cunugeeda si ay u hesho lacag ay ku gadato mooto ay ku socdaasho.
Booliska ayaa la wareegay mootada, waxay jeelka dhigeen iyada iyo saaxiibteed.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!