crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ninka wax-dhal ku noqday 70-jir oo ka cararaya ilmihiisa! | HimiloNetwork

Ninka wax-dhal ku noqday 70-jir oo ka cararaya ilmihiisa!

Serbia (Himilonews) – 60-jirta  Atifa Ljajic iyo seygeeda, Serif Nokic oo 68-jir ah kuna nool dalka Serbia waxay isku dayi jireen helidda cunug ay dhalaan muddo 20 sano ah. Markii qofna uusan rumeysan in hadda kadib ay wax dhalayaan, tii Alle ayaa timid. Atifa waxay goor dhawayd dhashay gabar caafimaad qabta, hayeeshe isla maalintiiba, seygeeda ayaa isaga dhaqaaqay – isaga oo yiri; da’dan inaan ubad ku koriyo waxay halis u tahay caafimaadkayga.
Atifa Jjajic waa haweeneydii labaad ee ugu da’da weyn taariikhda dalka Serbia ee wax dhasha. Waxay isku dayaysay muddo 20 sano ah inay ilmo dhasho iyada oo martay tijaabooyin ku idlaaday guuldarro. Sanadihii dhawaa waxay tijaabisay inay wax dhal ku noqoto habka bacriminta loo yaqaan vitro-fertilization ku dhawaad shan jeer – markii ugu danbeysay ayayse uuraysatay kahor intaysan dhalin gabar.
Layaabka lala fajacay ayaase noqday markii seygeeda uu yiri; da’da 68-jir way igu adag tahay inaan ku koriyo carruur, waxayna halis ku tahay caafimaadkayga.
Serif kaas oo markii hore mucaaraday uurkeeda, balse badalay maankiisa markii uu arkay farxadda ay heshay afadiisa, wuxuu sheegay inuu garwaaqsan yahay sida ay u adag tahay ku korinta ilmo da’diisa oo kale – qeylada iyo oohinta abaydinkuna ay halis u tahay.
“Intaas waxaa ka baxsan, waxaan ahay qof bukaan socod ah –qaba wadne xanuun iyo cudurka Kaadimacaanka,” ayuu u sheegay warbaahinta. “Ma fududa in habeenkii oo dhan hurdo lagu jiifsado jawi degan. Afadayduna way heshay wixii ay rabtay, wayna faraxsan tahay.”
Haddii aysan tani ahayn mid ku filan qalbi-adeyg, Nokic xattaa madoonayo inuu isku diiwaan-geliyo aabenimada gabadhiisa yar ee Alina loo bixiyay. Sidaas darteed, waa iyada iyo karaankeed, inay kaligeed korsato.
Hooyadan 60-jirta ah ayaa ceymis iyo daryeel caafimaad oo dadka waaweyn loo fidiyo ka heshay dowladda, hayeeshe in kasta oo arrintu gebi kala laalaado, waxay ku jirtaa qanacsanaantii ugu fiicneyd nolosheeda – maadaama ay ilmo dhashay.
“Waan ogaaday inaan da’dan lagu korin karin ilmo, laakiin niyada qura ee aan nolosha ka lahaa ayaa ah inaan hooyo noqdo; wayna ii suura-gashay,” ayay tiri Atif. “Kama walwal qabo noloshayda. Eebe ayaa i siiyay dhiirranaan. Hadda kahor maan dareemin liibaan iyo kalsami.”
“Wax walba oo dhaca, haddii Serif uu joogo iyo haddii kale, waxaan u dagaallamayaa korriimada iyo barbaarinta gabadhayda inta karaankayga ah – iyada oo kaliya ayaan u noolaanayaa.”
“Waan hubaa ma fududaan doonto laakiin waxaan ogahay inay jiraan dadka wanaagsan oo i caawin doona.”
Atifa-Ljajic Atifa-Ljajic2-750x512 Atifa-Ljajic3-750x499
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!