crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muxuu salka ku hayaa xiriirka xumaaday ee Soomaliya iyo Iran | HimiloNetwork

Muxuu salka ku hayaa xiriirka xumaaday ee Soomaliya iyo Iran

Muqdisho (Himilonews) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay kamid noqotay dhowr dal oo xiriirkii diblomaasinimo ee dalka Iran soo gunaanaday kadib ku dhawaaqista Sucuudiga ee ahaa inay Tehran u jartay xiriirkii booca ku tukubsanaa.
Garab istaagista tallaabo ee Soomaaliya ku dhinac joogsatay Sucuudiga ayaa ka dhigan jid loo helay madmadowgii baryahan ku dhex-jiray Tehran iyo Muqdisho inuu soo af-meermay.
Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa dorraad u qabtay safiirka iyo muwaadiniinta Iran ee  jooga inay muddo 72-saacadood ah dalka uga baxaan. Waxaana maanta la filayaa inay muwaadiniinta Iran ee dalka ka dhoofaan.
Kadib duulistooda, Iran waxay qeyb ballaaran oo bariga Afrika sida Soomaaliya ku lumin doonta loolanka ay Sucuudiga la gashay ee muddaba lays kugu cimil-galnaa.
Dalka Sudan ayaa noqday dalkii koobaad ee xiriirka diblomasi u jaray dalka Iran kadib xadgudub ay ku sheegeen in Tehran ay kula kacday qunsuliyadda iyo safaaradda Sucuudiga ee Iran. Sidaas darteed, iyada oo adkeyneysa xulufada cusub ee Sucuudigu horboodayo, Sudan waxay garab istaagtay Sucuudiga. Si lamid ah, dalka Jabuuti ee dhaca gacanka Baabul Mandab oo istiraajiyad ballaaran ku fadhiya, ayaa xiriirka Iran so o af-meeray—iyaga oo hadal la yara dhigan midka Sudan sabab uga dhigay inay Tehran safaaradeeda iska xiraan.
Balse, meesha farta lagu mudayo ayaa noqotay Soomaaliya oo, kaliya sida la hubo aan xiriirka Iran u cirib-jarin danaha xulufada Sucuudiga—balse eedeymo badan kusoo oogay shaqaalaha iyo safaaradda Iran ee Soomaaliya.
Sida Goluhu ka dhawaajiyeen, Iran ayaa taniyo soo galista Soomaaliya xilligii abaaraha waxay waday xaalado halis ku ah hanaanka dowladaeed iyo hab-samida caqiido ee umadda Soomaaliyeed.
Goluhu wuxuu muujisay caddeymo iyo baarisyo badan oo lagu soo qayaxay in Iran ay fikirka Shiica-nimada ku dhex faafinayeen bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda danyarta u badan.
Baarisyada waxaa lagu sheegay in Iran ay qaban jirtay siminaaro iyo wadahallo bulsho oo ku aadan, sida lagu yiri dhexdiisa, marin habaabiska caqiido ee umadda Sunniga wada ah ee Soomaaliyeed oo lagu beeray inay Shiicada ka doortaan.
Inkasta oo dhab loo wada hubo baarisyada, hadana dhaleeceymaha qaar ee loo jeedinayo Iran waxaa caddeynaya munaasabado fagaan-aragyadu soo tebiyeen oo ku lug lahaa: ban-dhigga tiro dhalinyaro  iskugu jira gabdho iyo wiilal—badigood laga keenay xeryaha barakacayaasha, oo guur wadareed la iskugu aroosiyey. Balse tuhunka ugu ballaaran wuxuu ka jiray sida milgada leh ee xafladda ay ugu soo xaadireen safiirka Iran iyo madaxa hey’adda gargaarka Iran ee Soomaaliya u timid gurmadka abaaraha oo lagu magacaabo Imamu Khumeini—taas oo dad badan ku baraarujisay sida qadiyadani ugu weyn tahay dowladda Shiicada Iran.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaamaysa muwaadiniinta Iran kuwo shaqadii ay dalka u yimaadeen tu ka duwan ku dhaqaaqay fulinteeda. Taas oo aheyd kaliya gargaar Aadminimo.
Walow dowladda Iran ay waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeymaha dowladda Soomaaliya, hadana, waa qeybaha kala duwan ee Soomaalida kuwa laga dhaadhicin waayay soo dhaweysiga Iran—iyaga oo dowladda ugu baaqay inay ka fiirsato xiriirka ay la yeelanayso Tehran.
Iyada tani heerka ugu xuni k taagan tahay labada dal ayaa hadana waxaa xaaladan soo af-jaray xalkeeda xukuumadda Sucuudiga oo Iran diblomaasiyadda u jartay.
Waana taas markii ay timid in Soomaaliya, iyada oo dhinac istaagaysa xukuumadda Sucuudiga fulinaysana waajibaadka isbahaysi ee la dagaalanka Daacish ay muwaadiniinta Tehran u qabato muddo 72-saacadood ah inay dalka uga baxaan.
Si kastaba, kaliya waqtiga unbaa dib u sheegid doona sida uu kusoo kabmo xiriirkii dhawaan-dhaladka ahaa ee Soomaaliya-Iran kaas oo lama filaan ku joogsaday.
Dad badan, sida xildhibaanadda qaar, waxay qabaan in golaha wasiiraddu ay iska guddoomeen taladooda ogeysiin la’aanta golaha shacbiga. Balse taasi waxaa naqdinaya shcabiyadda umadda oo u badatay inaan lasoo dhaweysan xiriirka Iran.
Isha: Himilonews.com.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!