crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Siduu Islaamku ugu faafay Shiinaha?! | HimiloNetwork

Siduu Islaamku ugu faafay Shiinaha?!

Muqdisho (Himilonews) – Sannadkii 651 ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu islaamku gaaro dalka Shiinaha, xilligaas oo uu Khaliif 3-aad ee islaamka Cusmaan Binu Cafaan uu ergay u diray caasimadii Shiinaha ee xilligaas oo lagu magacaabi jiray  Tashangai.
Ergaygaas wuxuu la kulmay boqorkii Shiinaha, wuxuuna uga sheekeeyay xaaladda dowladda Islaamka iyo dhaqamada dadka muslimiinta ah.
Halkan ayay taariikhyahannadu ku sheegaan inay tahay bilowgii islaamka ee Shiinaha.
Wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa dalka Shiinaha tagay muslimiin badan oo ka kala tagay waddamada Faaris, Carabta iyo dowlado kaleba, kuwaas oo isugu jiray ganacsato, siyaasiyiin iyo ciidanba, waxayna degeen goobo kala duwan oo dalkaas ah, waxaana lagu magacabay dadkaas “Kuwii soo degay Tang”.
Sannado kaddib waxay ku milmeen dadkii Shiinaha oo ay ka guursadeen, waxaana markii dambe loo bixiyay “Martidii ajaanibta ahayd” kuwaasoo ah halka uu ka soo jeedo faraca muslimiinta Shiinaha ee maanta.
Xilligii ay dalka Shiinaha xukumayeen reerkii la oran jiray Yuwan oo ku beegnayd sannadihii 1206 – 1368, oo uu aasaasay ninkii la oran jiray Qublaan Khaan oo ahaa awoowihii Jenkez Khaan, ayaa tirada dadka Muslimiintu ay aad kor ugu kacday, maanta la joogana muslimiintu muuqaal fiican ayay ku leeyihiin dhinaca bulshada, waxayna sameeyeen horumar degdeg ah.
Sanadihii 1368 ilaa 1644 oo ay dalka Shiinaha xukumayeen qoyskii Miinig, sidoo kale muslimiintii Shiinaha waxay ku tilaabsadeen horumar lixaad leh, waxaana Shiinaha u soo baxay nin lagu magacaabi jiray Shang Khi oo ahaa bad mareen iyo siyaasi muslim ah, kaasoo safar dheer oo 28 sano qaatay ku soo maray badaha galbeedka ka xiga Shiinaha sanadihii 1405 – 1433, waxaana xilligaa loo aqoonsaday hoggamiyiihi ugu weynaa adduunka ee ebed hoggaamiya maraakiibtii ugu tirada badnayd.
Sanadkii 1433 Shang Khi wuxuu soo gaaray dekadda magaaladda Jiddah ee dalka Sacuudida, halkaasoo ay uga sii gudbeen magaalada Makka si ay u soo xajiyaan, wuxuuna sawir ka qaaday Kacbada oo uu geeyay dalka Shiinaha.
Muslimiinta dalka Shiinaha ayaa maanta lagu qiyaasaa inay gaarayaan ilaa 23 Milyan oo qof, waxayna leeyihiin masaajiddo gaaraya ilaa 34 kun oo masjid, taas oo machaneedu yahay in 500 oo qof ay leeyihiin masjid ay ku dukadaan, halka imaamyada masaajiddana ay kor u dhaafayaan  ilaa 45 kun oo imaam.
Sida laga soo xigtay safaaradda Shiinaha ee Sacuudiga, xiriirka diblomaasi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Sucuudiga wuxuu fursad fiican siiyay muslimiita Shiinaha oo sanadkiiba ay ka soo xajiyaan ilaa 70 kun oo qof.
Heerka waxbarshada dadka muslimiinta Shiinaha ayaa kor u kacay, magaalada Shiengiyang  oo keliya waxaa ku yaal jaamacado iyo macaahid gaaraya 21 oo ay wax ka bartaa arday gaaraysa ilaa 30 kun oo arday, waxaana si fiican u kordhay dadka ku takhasusaya culuunta islaamka, sidoo kale jaamacadaha iyo machadyada kale ee ku yaal gobollada muslimiinta waxay leeyihiin kulliyado iyo faracyo islaamka lagu barto.
Sida ay xustay safaaradda Shiinaha ee Sacuudiga waxaa jira xiriir wada shaqayn iyo wax is dhaafsi oo ka dhexeeya  Jamciyadda Islaamka ee Shiinaha  iyo ururada islaamiga ah ee ay ka mid yihiin ururuka Raabida Islaamka, jamciyadda Aldacwa ee Liibiya, jamciyadda islaamiga ee gargaarka ee ka dhisan Malaysia, jamciyadda Maxamed Dhiyaa’ ee dalka Indonesia  iyo kuwo kale.
Muslimiinta Shiinaha waxay si aad ah ugu milmeeen dhaqamada dalka shiinaha marka laga hadlayo dhinacya dhismaha guryaha, xafladaha iyo dhaqamada diiniga ah, inkastoo uu saamayn xoog leh ku yeeshay dhaqamada Shiinaha haddana muslimiinta Shiinaha dhanna ugama leexan culuunta islaamka, waxna kama aysan bedelin tiirarka lixda ah ee iimaanka iyo salaadaha shanta ah. Qowmiyadaha Muslimiinta shiinaha waxaa lagu sheegaa ilaa 10 qowmiyadood waxaana la kala yiraahdaa Wigoor, Qaasaaq, Gargiiz, Ozbik, Dhajik, Tataar, Huy, Salaar, Dongshiaang, iyo Baawaan,
Sanadkii 1911 Shiinuhu wuxuu isu rogay jamhuuriyad, waxaana ka dhacay iska hor imaadyo gudaha ah iyo dagaalo dibadda ugaga yimid, waxaana soo baxay hoggaamiyeyaal muslimiin ah oo ku baaqayay in jacaylka dalka iyo difaaciisuba yahay waajib saaran qof kasta oo Shiinees ah , waxayna si cad u tilmaameen inay lagamamaarmaan ay tahay xoojinta iskaashiga qowmiyadaha kala duwan ee Shiinaha, waxayna ugu yeereen muslimiinta ee ka soo kala jeeda qowmiyadaha kala duwan inay ku biiraan dhaqdhaqaaqa ka  badbaadinta dowladda xadgudubyada dibadda ee kaashanaya dhallinyarada Shiinaha ee aan muslimiinta ahayn.
1949 markii dhidibada loo aasaasay dowladda Shiinaha, waxay dowladdu la timid siyaasad ilaalinaysa sinnaanta qowmiyadaha kala duwan  iyo in qof kastaa uu xor u yahay inuu qaato caqiidada uu rabo, taasina waxay keentay in muslimiinta Shiinaha ay ku noolaadaan nolol wanaagsan, kuna naaloodaan xorriyad iyo sinnaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ah.
Waxay dowladdu bilowday inay ilaalin gaar siiso ilaalinta masaajiddada iyo goobaha diinta ee ay leeyihiin muslimiinta, sidaa si la mid ahna ixtiraam la siiyo dhaqamada iyo caadooyinka dadka Muslimiinta ah, iyadoo la eegayo dhaqanka islaamkana waxaa muslimiinta Shiinaha loo sameeyay fasaxyo ku aaddan ciidaha islaamka ee ciidul Fidri iyo ciidul Adxaa.
Waxay sidoo kale dowladdu ogolaatay in gobollada muslimiinta ay yeeshaan is maamul u gooni, waxayna maamulladaasi soo bilowdeen sanadkii 1955.
Shirkii ugu horreeyay ee muslimiinta shiinaha waxaa la qabatay 11 May 1953, waxaana kulkaa lagu sameeyay Jamciyadda Islaamka ee Shiinaha.
Wixii ka dambeeyay sanadkii 1978 oo ay dowladda Shiinaha qaadatay siyaasadda furfurnaata, wuxuu dalka Shiinuhu ku tilaabsaday horumar degdeg ah, muslimiinta Shiinaha fursaddaas waxay siisay inay horumar ka gaaraan dhinacyo badan gaar ahaan dhinaca siyaasadda, waxaana jira tiro aan yarayn oo siyaasiyiin ah oo ku jira arrimaha siyaasadda Shiinaha.
Dhinaca dhaqaalaha muslimiinta Shiinaha qayb lixaad leh ayay uga jiraan dalka, waxayna horumar ka sameeyeen soo saaridda dharka iyo toliinka, cuntada, dhaqidda xoolaha, gaadiidka, qalabka electronikada ah, waxayna faa’iido badan ka helaan suuqyada dalkooda, dibaddana wax bay u dhoofiyaan.
Xigasho
Isha: Somali.alshahid.net
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!