MUQDISHO (HN) — Masaajiddu aad bay u buuxdhaafaan inta lagu jiro bisha Ramadaan. Waxaana aad loo dareemaa oogidda salaadaha iyo acmaasha kale ee suuban.
Si kastaba, Masjidka Hall Green ayaa jaarka kula nool degmada u diray hadyado fudfudud sida shukulaato si ay uga raaligeliyaan ciriiriga iyo saxmadda ka jirta goobaha ay ku cibaadeystaan inta lagu jiro bisha Ramadaan.
Masjidka Ēsa Ibn Maryam ayaa weydiistay jaarkiisa inay siday doonaan u adeegsan karaan jid caddaha hormara xilli walba si aan kob qura isugu ciriirin loogana dheeraado jaamka.
Warqad furan oo ay u direen jaarkooda ayaa u qoran sidatan: “Derisku aad buu xaqdhowr iyo xurmo nooga mudan yahay, waxaana Islaamku uu dhigay meel sarreysa qaddarintooda, sidaas darteed waxaan ka cudurdaaranaynaa inaad noogu garaabtaan gaabiska iyo dabcan kororka ciriiriga aan loo baahneyn oo qeyb ahaan u abuurmaya sababteenna.”
“Sida aad fahmi kartaanba, bisha Ramadaan waa xilliga noogu mashquulka badan sannadka intiisa kale.”
You must log in to post a comment.