MUQDISHO (HN) — Wanka Ladoum waxaa dalka Senegal looga yaqaan Boqorka Idaha, wuxuuna astaan heybad iyo maalqabeenimo u yahay dadka dalkaas dhaca galbeedka Afrika halkaas oo qiimihiisu gaaray lacag dhan $85,000.
Waxaa iska dhalay laba nuuc oo ido ah oo la kala yiraahdo Touabire oo ku nool dalka Mauritania iyo Bali-bali oo dalka Mali ku nool. Wuxuu asalkiisa ku dhashay meel ka baxsan Senegal laakiin hadda dalkan ayaa caan ku ah dhaqashadiisa. Aad baa looga jecel yahay gudihiisa, wuxuuna tusaale ayaan iyo hodantinimo leh u noqday dadka Senegal. Qaar badanna waxay ku riyoodaan inay maalin un iibsadaan Wanka Ladoum – iyada oo dakhli nololeed ee dadka Senegal maalintii soo gala uu yahay $1.90.
Sidaas oo ay tahay, in kale ayaa lacag kumaankun doolar ah ku bixiya inay soo iibsadaan wankaas.
Jir ahaan aad buu u koraa un weynaadaa, waxaana dhererkiisu gaaraa 1.2 mitir, waxaana culeyskiisu dhan yahay 385 lbs (175 kg). Mana duf badna. Hilibkiisuna waxaa la isku sheegay inuu yahay mid macaan badan. Dadka Senegal ku noolna waxay u tixgeliyaan qurux, heybad, iyo sarreyn qofkii dhaqda. Waxaana qaar badan la isku dhaafsadaa baraha bulshada iyaga oo lagu tookhayo ama faanayo.
“Wax walba ayay nooga qaalisan yihiin wanankan,” ayuu yiri Abou Kane. “Qurux iyo qaro weyni ayay isku darsadeen, waana mid ifka guudkeeda dhif iyo naadir ku ah, taas ayaana ka dhigaysa mid qaali ah.”
Dadka dhaqda wananka aad bay waqti u geliyeen inay tarmiyaan, sidaas darteed dadaalkoodii way ka mahdiyeen. Hadda adduun adag oo badan ayaa kasoo gala halkii wan oo ay iibiyaan. Wuxuuna ugu jiraa booska gawaarida qaaliga ah, dahabka iyo luula.
Halkii xabbo waxaa qiimaha ugu yar la iibiyaa 3,000$.
Senegal waa dal Muslim ah waxaana aad loo jecel yahay in Ciidda Carafada lagu hilibeysto wanankan.
You must log in to post a comment.