MUQDISHO (HN) — U wareegista kooxda Bayern Munich FC, laacibka u dhashay dalka Morooko, Noussair Mazraoui wuxuu aaminsan yahay in iimaanka iyo kalsoonida uu Eebbe ku qabo ay tahay sirta guushiisa ee ka dambeysa heerka uu maanta taagan yahay.
“Waxaan leeyahay diintayda, Islaamka,” ayuu yiri Mazraoui. “Waa midda ugu mudan uguna weyn noloshayda oo ay ii fududeysay inaan riyooyinkayga ka guulgaaro – igana caawisay halganka aan ugu jiro loolanka adag ee nolosha,” ayuu sii raaciyay.
24 May 2022 ayuu kusoo biiray laacibka kooxda Bayern isaga oo uga soo wareegaya naadiga reer Holland ee Ajax Amsterdam.
Waa xiddig shanta salaadood tukada. Waxaana uu kooxdiisa cusub ugu tagayaa laacibka kale ee Muslimka ah, Sadio Mane oo isna ahlu Salaad ah. Labaduba waxay qorsheynayaan inay qeysadaan walaalnimada Islaamka iyo wada-shaqeynta naadiga.
“Wadajir ayaan u wada dukan doonnaa inta xagaagu socdo,” ayuu yiri. “Waana u wada soomi doonnaa.”
Laakiin Mane iyo Mazraoui ma ahan labada qura ee diinta Islaamka ka heysta laacibiinta kooxda. Waxaa jira in kale sida Jamal Musiala iyo xiddiga reer Kanada ee Umar.
Sannadkii 2018-ka, naadiga Bayern ayaa gudaha garoonkeeda Allianz Arena ka sameysay Masjid ay ku wada dukadaan laacibiinta iyo taageerayaasha kooxda ee Muslimiinta ah.
You must log in to post a comment.