MUQDISHO (HN) — In xujeyda loo adeego ‘samafalo’ waa arrin abaal iyo ajar badan laga helayo. Mariam Mahdar oo inan yar ah ayaana sannadkan kamid ah samafalayaasha u adeegayaa xujeyda joogta Makka.
Mahdar ayaa la aaminsan yahay inay tahay samafalaha ugu da’yar ee sannadkan, waxayna sheegtay inay ku faraxsan tahay ‘u khidmeynta’ Mu’miniinta.
“Markii maalmaha Xajka ay soo dhawaadeen ayaan jecleystay inaan kamid noqdo samafalayaasha,” ayay ku tiri muuqaal lasoo dhigay barta wasaaradda Xajka ee Sucuudiga.
“Waxaan ku faanayaa shaqada aan u heyno xujeyda oo ah martida Ilaahay – aniga iyo samafalayaasha kale ee howlaha ilaalada iyo fidinta gurmadka degdegga ah ka shaqeynaya,” ayay tiri.
Waxay sheegtay in dhammaadka Xaj walba uu – iyada ahaan – u yahay murugo maadama ay bilo badan ku qasban tahay inay sugto Xajka kale.
Mahdar hadda waxay baranaysaa afafka qalaad sida Ingiriiska si ay ula xiriirto Muslimiinta ku hadla luqaddaas.
“Markii aan xujeyda siiyo cunno ama cabitaan, way ii duceeyaan; wanaaga aan sameynayana waa tallaab qof walba uu jeclaan lahaa inuu sameeyo,” ayay tiri.
Sucuudiyaan badan ayaa sannad kasta ka qeyb noqda howlaha samafalka ah ee loo sameynayo xujeyda Muslimiinta ah ee dunida dacalladeeda isaga kala yimid si ay u gutaan acmaasha xajka iyo cumrada.
You must log in to post a comment.