crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Ninka ugu Carrabka dheer Dunida + Sawirro. | HimiloNetwork

La kulan – Ninka ugu Carrabka dheer Dunida + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — K Praveen, oo ah 21 jir ku nool Virudhunagar, Tamil Nadu, dalka Hindiya, wuxuu leeyahay carrab dhererkiisu gaarayo 10.8-centimeter, marka loo eego Buugga lagu qoro Dhacdooyinka dalka Hindiya.

Marka loo eego Jaamacadda Edinburgh, celcelis dhererka Carrabka Bani-aadanka, waa 8.5-cm taas oo ka dhigan in carrabka Praveen uu dheer yahay 2.5cm. Waana tan ay ka dhigan tahay carrabka ugu dheer.

Si kajan iyo maaweelo ayuu ahaa mid saaxiibadiisa iyo deriskiiba u tusa inta uu dheer yahay carrabkiisu. Wuxuu gaarsiin karaa carrabkiisa ilaa sanka iyo xusulkiisa. Mararka qaar wuxuuba gaarsiin karaa indhihiisa.

Kaalmo la’aan ka heysta cid sheekadiisa gaarsiisa Buugga Guinness Records iyo isaga oo aan iskiis u tagi karin xaruntooda ayaa ka dhigtay inuusan aqoonsi ku helin carrab dheeridiisa. Laakiin wuxuu garawshiiyo buuxda ka helay gudaha dalkiisa Hindiya. Waxaana loo yaqaan ninka ugu carrabka dheer Hindiya.

Diiwaanka booska ninka ugu carrabka dheer dunida waxaa hadda ku jira ninka la yiraahdo Nick Stoeberl, oo carrabkiisu dheer yahay 10.1 centimeters taas oo 0.8cm ka yar Praveen carrabkiisa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!