MUQDISHO (HN) — 28 jir u dhashay dalka Pakistan waxaa loo aqoonsaday Tarzan-ka Karachi kaddib markii uu 8 sannadood ku noolaa geed dushiisa oo uu ka sameystay sariir-la-mood uu jiifsado.
Farman Ali wuxuu noqday hadalheyn qaran kaddib kolkii muuqaal laga soo duubay aqalkiisa uu ku baahay baraha bulshada. Dadka ayaa si kastaba is weydiinaya sida uu muddadaas inta la’eg uu ugu noolaa geedka dushiisa. Qof walba oo weydiiyayna wuxuu si cad ugu sheegayay inuusan iskiis u dooran inuu sidaas ku noolaado. Balse ay jirto sabab ku qaaday.
Markii ay dhinteen labadiisa waalid, Farman wuxuu heli waayay kob uu ku noolaado – muddo ayuu jidadka ku dibjiray kaddibna wuxu go’aansaday inuu gurigiisa ka dhisto meel aanay cidna ku rabsheynin -ama aan laga eryeyn.
Karachi waa magaalada ugu weyn dalka Pakistan. Dad badan ayaana ku bogaadiyay tallaabtiisa. Dhawaan waraysi uu siiyay warbaahinta ayuu ku sheegay in – kaddib kolkii uu ka waayay wax kaaalmo ah xigtadiisa iyo dadkii yiqiin – uu go’aansaday inuu geed dushiis ku noolaado.
Alwaax adag jimbaar laga sameeyey ayuu ka dul dhistay geedka iyo maryo iyo shiraac uu kaga gaashaanto qabowga iyo roobka. Wuxuu sidoo kale ka sameystay goob uu ku afdhaqdo, meel uu cunnada ku karsado iyo batari uu mobilkiisa ku dabaysto.
You must log in to post a comment.